Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Qaybgalay Munaasibad Loo Sameeyay Qalinjebinta Dufcadii 9-aad Ee Ka Baxda Jaamacada Admas

0
797

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta ka qaybgalay qalinjebinta dufcadii 9aad ee ka baxda Jaamacada Admas, oo munaasibad balaadhan maanta loogu qabtay hotel Mansor Hargeysa, madaxweynaha oo halkaasi ka jeediyey khudbad xambaarsan hambalyo iyo dardaaran ayaa yidhi “Dhammaan marti-sharafta, masuuliyiinta kala duwan, madaxda Jaamacadda, Macalimiinta iyo Ardayda “ASSALAAMU CALAYKUM WA-RAXMATULLAAHI WA-BARAKAATU

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Ugu horreyn, sharaf weyn bay ii tahay, in aan idin kala soo qayb-galo xafladda qalin jebinta dufcadda 9aad ee Jaamacadda Admas, waxaan si gaar ah u hambalyeynayaa, Ardayda maanta qalin-jebisay kulliyadaha Jaamacadda Admas. Sidoo kale, waxaan hambalyeynayaa waalidka iyo cid kasta oo gacan ka geysatay, guushan ay gaadheen,

Waxaan si weyn u bogaadinayaa maamulka, madaxda iyo macalimiinta Jaamacadda Admas, dedaalka iyo horumarka ay ku tallaabsadeen muddadii ay Jaamacaddu jirtay. Jaamacadda Admas waxay kaalin muq leh ka qaadatay, tayeynta iyo casriyeynta waxbarashada dalka, isla markaana ay ku guuleysatay horumar weyn, muddadii ay jirtay.

Duco-qabayaal,

Waxa xusid mudan, in Ardayda Jamhuuriyadda Somaliland, meel kasta oo ay joogaan, ay waxbarashada ku wanaagsan yihiin, iyada oo ay jiraan arday reer Somaliland ah oo guulo waa weyn ka soo hooyey, Jaamacaddo ku kala yaalla dalalka dibeda. Sidaa darted, waxaan idinkula dardaarmayaa, in ay-daan ka daalin waxbarashada, oo aad sii wadaan halkanka iyo dedaalka aqoon raadinta, si aad u gaadhaan heer aad u sarreeya.

Duco-qabayaal,

Guntii iyo geba-gebadii, waxaan idinku guubaabinayaa, in aad ka fogaataan dhaqamada xun ee aafeeya il-baxnimada iyo horumarka bulshoooyinka caafimaadka qaba, sida: kala-qaybsanaanta, qabyaaladda, tahriibta, dal nacaybka iyo bal-wadaha”.

Guuleysta,,, Guuleysta,,, Guuleysta,,,

 

ALLAA MAHAD LEH