Dag Dag:Dawlada Itoobiya Oo Casuumad U Fidisay Murrashaxiinta U Tartamaya Doorashada Madaxtooyada Somaliland+Sababta

0
845

Warar soo if baxaya oo xog ogaal ah ayaa waxay sheegayaan in dawlada Itoobiya ay casuumad rasmi ah u fidisay murrashaxiinta saddexda xisbi Qaran ee Somaliland UCID,WADDANI Iyo KULMIYE.

Waxaana hadda magaalada Addis-ababa ku sugan murrashaxa madaxwayne ee xisbiga kUlMIYE Muuse Biixi Cabdi,waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu Murrashaxa xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” uu safar ugu baxo dawlada Itoobiya oo casuumad u fidisay,halka aanay wali cadayn in murrashaxa xisbiga UCID uu tagi doono casuumadaasi loo fidiyay.

Ujeedada casuumadan iyo marti qaadkan la sheegay inay dawlada Itoobiya u fidisay murrashaxiinta saddexda xisbi Qaran ee Somaliland ayaa salka ku haya isku laab xaadhista murrashaxiinta iyo sidii ay doorashada madaxtooyada Somaliland ugu dhici lahayd si nabagaliyo ah oo xor oo xalaal ah.