Suldaan Xasan Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Qodobada Ka Soo Baxay Shirkii Burco, Sheegayna Inay Labada Beelood Isku Raaceen Inay Dhisaan Muuse Biixi Iyo M/Ku-Xigeenka

0
1136

Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa tafaasiil ka bixiyay Qodobada ka soo baxay Shirkii magaalada Burco ugu soo gabo gaboobay Beelaha Subeer Awal iyo Habar Jeclo,Waxa uu sheegay in shirkaasi si buuxda ay labadaasi beeleed iskugu waafaqeen inay dhisaan Musharaxiinta Xisbiga Kulmiye.
Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldan Cabdiraxmaan ayaa isagu waxa uu hogaaminayay ergo kor u dhaafaysa saddex boqol oo ergay oo shirkaasi ka qayb gashay oo ka soo jeeda Beelaha Subeer Awal ee uu Suldaanka u yahay,waxaanay ergadaasi todobaadadii u dambeeyay ku sugnaayeen Gobolka Togdheer Caasimadiisa Burco, iyadoo uu suldaanka guud Suldaan Xasan iyo Salaadiin kale oo ka soo jeeda Beelaha Subeer Awal ay todobaadkii hore ka soo qayb galeen Shir beelaha Biciido ee Habar jeclo ugu soo gabo gaboobay Gobolka Sanaag ee Bariga Somaliland,Islamarkaana dib ugu soo noqday Magaalada Burco oo uu ka furmayay Shirkan shalay soo xidhmay ee u dhexeeyay Beelaha Subeer Awal iyo Habar Jeclo.
Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo Warbaahinta u faah faahiyay shirkaasi qodobada ka soo baxay markii uu soo idlaaday ayaa waxa uu yidhi“Waxaan idiin sheegaynaa in Shirweynihii labada beelood ee Habar-jeclo iyo Habar Awal uga socday Caasimada Gobolka Togdheer ee Burco inuu noogu soo gabo gaboobay is afgarad iyo Guul,Waxaa ka soo baxay qodobo dhawr ah,in la adkeeyo Jiritaanka Qaranimada Somaliland, iyo nabadgalyada guud ee Dalka,oo xil weyne beelahan iyo beelaha kaleba iska saaraan,2-qodobka labaad oo ah,markay labada Beelood aad u falanqeeyaan,shirar muddo u socdayna ay soo wada qaateen,
Isagoo hadalkiisa sii wata Suldaanka Guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi ayaa waxa uu intaasi raaciyay oo uu yidhi “Maadaama ay maanta inagu soo dhawdahay Doorashadii Madaxtooyaddu,Maadaama Xisbiga Kulmiye Wax qabad badan Dalkan ka qabtay,oo maanta aynu arkayno Waxqabadkiisii,si uu u qabyo-tiro,labada beelood waxay ayideen,isku raaceen inay dhisaan,sida shacbiga kale ee Somaliland-ba u dhisayo Xisbiga Kulmiye,Dhisaana Musharaxa Xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi,iyo Madaxweyne ku xigeenka Sharaxan ee Cabdiraxmaan Saylici,Sidaasi ayaanu gacmaha isku qabsanay”.Ayuu yidhi Sul.