Xisbiga kulmiye oo Soo Dhaweeyey Haldoor iyo Siyaasiyiin ay Hoggaaminayaan Cabdirashiid Xasan Mataan iyo Ex. Wasiir Cismaan Sheekh Cabdi

0
1252

Hoggaanka sare ee xisbul-xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa maanta soo dhaweyn ballaadhan u sameeyey siyaasiyiin iyo haldoor kasoo jeeda gobolka Awdal oo ay hoggaaminayaan siyaasi Cabdirashiid Xasan Mataan iyo Ex. wasiir Cismaan Sheekh Cabdi oo kasoo diigo-rogtay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.
Munaasibad si heersare ah loo agaasimay oo lagu soo dhaweynayey siyaasiyiintan haldoorka ah oo lagu qabtay hutel Haldoor ee magaalada Boorama, ayaa waxa ka qaybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Md. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle,guddoomiyaha, ahna murrashaxa xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, wasiirrada wasaaradaha xidhiidhka goleyaasha iyo Boosaha, Shaqada iyo arrimaha Bulshada iyo Is-gaadhsiinta Md. Axmed Xaaji Daahir Cilmi,Mustafe Faarax Abraar iyo Maxamed Cabdilaahi Obsiiye, wasiir ku-xigeenno, wasiiru-dawleyaal, agaasimayaal guud, salaadiin, madax-dhaqameed, haween, maamulka xukuumadda iyo xisbiga u qaabilsan gobolka awdal, siyaasiyiinta lasoo dhaweynayey iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu soo dhaweynayey siyaasiyiinta cusub, isla markaana lagu hogo-tusaalaynayey inay yimaadeen madal looga baahan yahay codkooda iyo cududoodaba.
Qaar kamid ah madax-dhaqameedka gobolka Awdal oo uu hormood u yahay suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo halkaas ka hadlay, ayaa siyaasiyiinta ay hoggaaminayaan Cabdirashiid Xasan Mataan iyo Ex. Wasiir Cismaan Sheekh Cabdi ku bogaadiyey go’aanka ay ku gaadheen inay xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa dhisaan.
Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey) oo halkaas ka hadlay, ayaa ifafaale guusha KULMIYE sheegaya ku tilmaamay in haldoorkii gobolka Awdal ay xisbiga kusoo biiran.
Qaar kamid ah siyaasiyiinta da’da yar ee gobolka Awdal horena uga tirsanaan jirey xisbiga WADDANI, balse haatan kusoo biiray KULMIYE oo ay kamid yihiin Cabdiraxmaan Ibraahim Sheekh Cali, Cabdijibaar Muuse Daahir, Khadar Xasan Dugsiiye, Cabdiraxmaan Maxamed Geelle Muxyadiin Maxamuud Qaalib, Saleebaan Ibraahim iyo Xabiib oo iyaguna madasha hadallo ka jeediyey, ayaa shaaciyey inay si buuxda ugu qanceen xisbiga KULMIYE iyo hoggaankiisaba, isla markaana go’aansadeen inay codkooda iyo taageeradoodaba la garab galaan.
Xoghayihii hore ee warfaafinta u qaabilsanaa xisbiga WADDANI Md. Cabdirashiid Xasan Mataan iyo Cismaan Sheekh Cabdi oo hore wasiir uga ahaan jirey xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale oo gadh-wadeen u ahaa siyaasiyiinta kasoo digo-rogatay xisbiga WADDANI, kunoo biirtay KULMIYE, ayaa iyaguna ku dheeraaday asbtaabta ku kalliftay inay u jihaystaan sidii ay murrashaxiinta KULMIYE u dhisi lahaayeen, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay hiil iyo hooba inay dedaal dheer u geli doonaan sidii uu xisbiga KULMIYE guul uga soo hoyn lahaa doorashada soo socota.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si kal iyo laab ah siyaasiyiinta kasoo baxay WADDANI ugu soo dhaweeyey xisbiga KULMIYE, waxana uu ugu bushaareeyey inay yimaadeen madal laga qiimeeyo aragtida iyo afkaarta cidkasta oo kusoo biirta.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Md. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo hadal kooban madasha ka jeediyey, ayaa xusay in xubnaha miisaanka ku leh gobolka Awdal ee taageeradooda ku biiriyey KULMIYE ay marag u yihiin sida uu xisbigu ugu dhaw yahay guusha, waxana uu taageerayaasha KULMIYE ugu baaqay inay u guntadaan sidii uu xisbigu u guulaysan lahaa.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna murrashaxa jagada madaxweyne ku-xigeen ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo isagu madasha lagu soo dhaweynayey siyaasiyiinta cusub soo af-meeray, ayaa shaaciyey inay xisbi ahaan si weyn ugu faraxsan yihiin cududda cusub ee xisbiga kusoo biirtay, isaga oo intaas ku daray inuu KULMIYE yahay xisbi bulshada hore wax u gashaday oo waxqabadkiisii ku doonaya in mar labaad loogu codeeyo.