Somaliland: Murrashaxiinta KULMIYE oo Hadhimo-sharafeed Loogu Sameeyey Masnooyin Ku Yaalla Degmada BAKI

0
897

Murrashaxiinta madaxweynaha iyo ku-xigeenka xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wefti kooban oo ay horkacayaan, ayaa hadhimo-sharafeed maamuuskeedu sarreeyo loogu sameeyo beero masno ah oo ku yaalla degmada Baki ee gobolka Awdal.
Murrashaxiinta oo socdaal shaqo ku jooga gobolka Awdal, isla markaana ay wehelinayaan wefti kooban oo ay xubno ka yihiin guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Md. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, wasiirrada wasaaradaha shaqada iyo Xidhiidhka goleyaasha Md. Maxamed Cabdilaahi Obsiiye iyo Axmed Xaaji Daahir Cilmi, siyaasiyiin ay kamid yihiin, xoghayaha abaabulka ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdikariin Xinif, siyaasi Jamaal Cali Xuseen, xildhibaanno, maamulka gobolka Awdal ee xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE iyo guddoonka degmada Baki, ayaa maanta hadhimo heer sare ah loogu sameeyey hadhaca masnooyin waaweyn oo ku yaalla degmada Baki, waxana halkaas ku soo dhaweeyey hormoodka salaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradka gobolka Awdal.
Hadhimadan oo ahayd mid lagu wadaagay kaftan iyo is-xogwaraysi furan, ayaa kusoo dhammaaday jawi deggen, waxana madaxda dhaqanka iyo siyaasiyiinta deegaanku muujiyeen taageerada buuxda ee ay u hayaan xisbiga KULMIYE iyo murrashixiintiisa.
Weftiga ay hoggaaminayaan murrashaxiinta KULMIYE, ayaa sidoo kale muujiyey sida ay ula dhacsan yihiin casuumadda loogu sameeyey dhirta hadhaca ah hoosteeda, iyada oo ay hadimadana ka dhex muuqdeen khudradda ay caanka ku tahay degmada Baki oo kamid ah goobaha ugu wax soo saarka badan Somaliland.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo hadhimada kadib halkaas hadal kooban ka jeediyey, ayaa si mug leh uga mahadnaqay hadhimada ay shacabka degmada Bak ku maamuuseen weftiga iyo hormoodka u yihiin murrashaxiinta KULMIYE, waxana uu shacabka ku bogaadiyey dedaalka dhinaca wax soo saarka beeraha ee ay sid weyn uga midho dhaliyeen.