Xildhibaan Maxamuud Diir-Qadhaadh Oo Shalay Geeriyooday Iyo Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Shakhsiyadiisa

0
966

Marxuum Xildhibaan Maxamuud Cabdilaahi Qaalib Diir-Qadhaadh Waxa Uu Ahaa Ruug-Caddaa Ka Tirsanaa Golaha Guurtida JSL

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi tiraanyo leh u dirayaa, labada golle barlamaan ee Guurtida, iyo wakiilada, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Maxamuud Cabdilaahi Qaalib Diir-qadhaadh oo ku geeriyooday dalka Itoobiya Maanta [shalay] oo ay taariikhdu ahayd 04/10/2017. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay shacbiga Somaliland, mudana ka mid ahaa golaha guurtida, kana soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Golayaasha Wakiilada, Guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Tacsi taa la mid ah waxa uu madaxweynuhu u dirayaa wasiiru-dawlaha Kalluumaysiga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Mahdi Cismaan Buuri oo ay walaashii Marxuuma Saynab Cismaan Buuri ku geeriyootay maanta [shalay] oo ay taariikhdu ahayd 04/10/2017 magaalada Hargeysa. Waxaanu madaxweynuhu marxuumada Alle uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoyskii iyo eheladii ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.