Suldaanka Cusubi Wuxuu Noqon Doonaa Mid Ummadda Oo Dhan Isin U Ah, Marka Uu Ugu Yar Yahayna Suldaan Aadan Madoobe

0
920

Wasiirka Wasaarada  Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa masuuliyiin ka tirsan dawladda iyo madax dhaqameed shalay magaalada Burco kaga qaybg alay caleemo saarka Suldaan Barkhad Cabdi Shaybe, ayaa hambaloyeeyey Suldaankaasi.

Wasiirka Madaxtooyada ayaa sidoo kalena ka hadlay culayska masuuliyadu ay leedahay waxaanu arrimhaasi kaga hadlay khubad uu ka jeediyey madashii lagu caleemo saaray Suldaankaasi oo maanta ka qabsoontay Hotel Plaza ee amgaalada Burco, waxaanu yidhi “ Madashan murtideedu waa mahad-naq, hambalyo duco iyo dardaaran, ugu horayn waxaan jecelahay inaan halkan ka hambalyeeyo Suldaanka cusub Suldaan Barkhad Cabdi Shaybe, xilka loo doortayna Ilaahay (SWT) waxa aynu ugu baryeynaa inuu u fududeeyo. Xilku waa masuuliyad, masuuliyaduna xisaab ayey leedahay if iyo aakhiro, waa mid dhaqan iyo mid dawladeed, masuuliyada dhaqanku waa mid culus, Barkhad-na kuma cusba waxay leedahay xisaabtan, waa masuuliyad weyn, waxa uu walaalkeen Barkhad inooga baahan yahay duco, bogaadin iyo dardaaran.

“ Mar labaad waxaan hambaleynayaa beelaha Faahiye Xasan Aadan Madoobe ee Suldaan Barkhad u gartay inay caleemo saaraan, Suldaana uu u noqdo, waan ku bogaadinayaa, waxaan leeyahay taladaasi ma seegin, doorashada  madaxda qaranka iyo dhaqankuba, xikmad ayey u baahan tahay waa wax ILAAHAY dadka quluubtooda ku ilhaamiyo, way la helaan ama way la seegaan, labaduba raad ama saameyn ayey keentaa if iyo aakhiro ah, waa lagu badhaadhaa ama waa lagu baaba’aa, dadkana masuuliyad ayaa doorashada ka saaran.”

Wasiirk Xaashi ayaa sidoo kalena ka hadlay kartida Suldaanka cusub iyo hawlaha u yaala waxaanu yidhi “ Waxaan leeyahay Barkhad inta aynu ka naqaano way asiibeen beelaha Faahiye Xasan inuu u noqdo Suldaan, waxa uu noqon doonaa Suldaan sida Maxamed Kaahin Axmed sheegay way soo doorteen beelahaasiye laakiin Suldaan ka weyn ayuu noqon doonaa oo ummadda Somaliland oo dhan isin u ah, oo sidii Garaad Kulmiye sheegayey Soomaaliba isir u ah, marka uu ugu yaryahay Suldaan Aadan Madoobe ayuu noqonayaa, kuwa ka maqan ee aan doorashadaas ku jirina wuu u noqonayaa. Sidoo kale waxa isna jira Suldaan kale oo beesha Aadan Madoobe ee Bah-sanbuur ay leedahay oo la yidhaa Suldaan Mustafe Maxamed Aadan Suldaaankasina waa suldaan sharci ah oo jira, sidaas aanu Suldaan Barkhad u aqoonsanay dawlad ahaan ayaanu suldaankaasna u aqoonsanahay.”

Wasiirka Madaxtooyada ayaa sidoo kalena ka hadlay arrimaha doorashooyinka isaga oo baaq na u diray xisbiyada mucaaridka waxaanu yidhi  “ Arrimaha doorashada welwel kama qabno, qof wal oo muwaadin ahi wuxuu xaq u leeyahay inuu codeeyo, wuxuu xaq u leeyahay inuu ciduu doono doorto, waa siyaasad waa la kala boobayaa, waa lays qancinayaa xisbi waliba ceesaantiisa ayuu ceelka keenayaa, anagu hadaanu nahay KULMIYE qarankan iyo wixii aanu ummaddan u qabanay ayaa noo markhaati ah, waxaanu leenahay waxaas wax ka sii badana mustaqbalka ayaanu qaban doonaa, shacbiga Madaxweyne Siilaanyo si wanaagsna ayuu u hoggaamiyey, xisbigiisuna si wanaagsan ayuu u hoggaamiyey, maanta khasona la dhuuman mayno, dhaxal xuna ka tagi mayno, shacbigana waxaanu leenahay waxaa wanaagsan ayaanu haynaa, xisbigayaga iyo hoggaamiyaha cusubina halkaas ayuu ka qaadi doonaa, walaaladayo qoloda mucaaridka ah, tawtawda iyo caytanka ha iska daayeen oo ummadda ha qanciyeen, cod ayeynu isku haynaa ee cadow ma lihin ayaan leeyahay. Waynu kala xabaadhanaynaa dadka ee xoog ma jiro, xoog lagu kala qaadayaa ma jiro ee cod ayaa lagu kala qaadayaa ninka ay guushu raacdana waynu u hambalyeynayaa ayaan leeyahay.”