Deg Deg: Murrashaxiinta Muuse Biixi Iyo Cabdiraxmaan Saylici Oo Ku Shax Guurey Borama Iyo Nuxurka Ujeedada Safar Ay Bari Ku Tagayaan Borama

0
981

Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa weji-gabax siyaasadeed oo hor-leh kala kulmay magacaabista guddida Oloollaha KULMIYE ee gobolada dalka qaarkood, kaddib markii arrinkaas ka biyo-diideen Kaaderintii Xisbigu, markii ay arrinkaa maqleen, wax is-casilay oo iyaggu ka badheedhay iyo kuwo can-dhuuftooda dib-u-liqay, kana quustay rajadii ay ka qabeen in Xisbigoodu guul kasoo hooyo doorashada Madaxtooyadda ee fooda inaggu soo haysaa.

Guddiyadan oloollaha, oo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi si rasmiya u shaaciyey todobaadkan, ayaa afarta gobol ee xubnaha guddidan loo cummaamaday kasoo jeedan, waxa mid walbaa gaarkiisa uga soo noqday dhawaaq diidmo ah oo lagaga soo horjeedo xubnaha Gudoomiyuhuu u xushay hawsha miisaanka leh ee oloollaha Doorashada,oo waxanay tibaaxayaan Wararka laga helay Xisbiga KULMIYE qaarkood, in arrinka magacaabista xubnahani uu guux iyo dood ka dhex-dhaliyey kaaderiinta iyo xubnaha waayo-aragga ah ee Xisbiga KULMIYE, kuwasoo badi ku doodaya xubnaha la magacaabay inaanay ahayn kuwii ku haboona hawlaha Kaambeyn xilligan xasaasiga ah.

Waxa kaloo Wararka amuurtan la xidhidha intaa ku darreen, inaan la isu-miisaamin, isla markaana aan laga baaran deggin ficilka arinkan kasoo noqon karaa. Sidoo kale, wararka qaar ayaa sheegaya inay masuuliyiin tiro badan oo ka tirsan Xisbiga KULMIYE, inay diyaar u yihiin inay iska casilaan Xisbiga, halka qaarkoodna sida la sheegay iska casileen guddiyadii uu ku daray Gudoomiyaha Xisbigu.

Dhanka kale, Warar u helay Wargeyska Yool, ayaa tibaxay in Murashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdilahi Ismaacil Saylici, la filayo inay berri Arbacada Safar ugu bixi doonaan Magaaladda Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal, halkaasoo sida illuhu xuseen, ay u tagi doonaan laba ujeedo, oo midda hore tahay, ka qaybgalka Xaflad Xisbiga KULMIYE kusoo dhoweynaayo Siyaasi Cabdirashiid Xasan mataan iyo midda labaad oo sida xogguhu xuseen ah sidii murashaxiinta KULMIYE uga daba-tagi lahaayeen xadhkiihii Siyaasadeed ee u dhowaan Xisbiga Waddani kusoo xidhay gobolka Awdal.