Deg Deg: Cali Mareexaan Isaga Oo Cunay Xoolihi Umada Kuna Darsaday Dhul Boobka Danta Guud Side Ayu Ololaha U Galay

0
735

Xisbiga UCID ayaa si adag u weeraray wasiirka hawlaha guud Cali Mareexaan oo ay ku eedeeyey boobk hantida umadda.

Xoghayaha xidhiidhka gobollada Cabdiqani Selef (Kabtanka) oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa wasiirka hawlaha guud Cali Mareexaan uga digay inuu ku sii adkaysto boobka hantida umadda waa sida uu hadalka u dhigaye, waxaana uu tusaale u soo qaatay xero dhigtii Burco iyo dhulka Abwaan Axmed Saleebaan Bide.

Cabdiqani Selef, xoghaya gobollada ee xisbiga UCID oo arrimahaas ka hadlaya ayaa yidhi:

“Cali Mareexaan waxaad moodaa inuu hawlihii uu qaranka u hayay meel iska dhigay uu laba diblaystay si uu hantida umadda u boobo, waxaynu ogayn Axmed Saleebaan Bidde dhulkii uu Suldaan Cabdillaahi 50 sano ka hor siiyey inuu ku haysto, waxaan leeyahay ina Saleebaan Bide tiisa waad ku dhiman oo waaba sun, waxaynu ognahay xero dhiigtii Burco, waxaanu ognahay meel kasta oo Hargeysa iyo Burco ka mid ah waxa uu u qorsheeyey iyo waxa u soo socda boobkooda inuu Cali Mareexaan meel sii dhigtay, mana ka yeelanyo kamana aqbalayno waxaan leeyahay adeer wasiir baad tahay ay laba bilood u hadhsan yihiin dib u fadhiiso, faraha ka qaad hantida qaranka ee aad boobayso iyo dadka masaakiinta ee aad dhulkooda ku haysato, labadaas bilood markay dhamaadaan gaadhigii aad darawalka ka ahayd ayaad ku noqonaysaaye ha karaamo seegin”.