Guddiga Xisbiga KULMIYE U Magacaabay Kaambaynka Ololaha Gobolka Awdal Oo Saluug Badan Ka Taagan Yahay Iyo 8 Kamid Ah Guddigaas Oo La Sheegay Inay Ku Gacan Saydheen Qorshaha KULMIYE

0
74

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal ayaa waxay sheegayaan in guddigii xisbiga KULMIYE uu dhawaan u magacaabay guddiga Kaambaynka Ololaha gobolka Awdal ay saluug b adan ka taagan yahay,isla markaana xubno kamid ah guddigaasi ay ku gacan saydheen inay xubin ka noqdeen guddigaas.

Waxaana guddiga xisbiga KULMIYE magacaabay gobolka Awdal gudoomiye looga dhigay wasiirka xidhiidhka golayaasha iyo tiknoolojiyada Somaliland Axmed Xaaji Daahir,waxaana xubnahan ay saluug ka muujiyeen guddiga la magacaabay oo ay ku andacoonayaan inaan dhex loo magacaabin saamiguna aanu dhamayn,sidoo kalena waxay diideen gudoomiyaha guddiga oo loo magacaabay wasiirka xidhiidhka golayaasha iyo tiknoolajiyada SOmaliland Axmed Xaaji Daahir.

Guddiga gobolka Awdal loo magacaabay oo tiradoodu dhan tahay 24 mudane,ayaa waxa wali ka jira saluug badan iyo is maandhaaf ka dhex jira guddigaaas.

Ilaa haddana lama garanayo halka ay saldhigan doonto arrinkan.

Comments

comments