Deg Deg: Xog Culus Oo Laga Helay Arrimaha Saldhiga Somaliya Iyo Khatarat U Ku Yeelan Doono Somaliland Iyo Dagaalo Laga Filayo Maamulka Farmaajo

0
748

Somali:Khubarada iyo saraakiisha ku xeel-dheer amniga iyo Arrimaha ciidamadu waxa ay wali ka hadlayaan iyada oo warbaahintu faahfaahino dheeraad ah ka bixinaysay saacadihii ugu dambeeyey saldhigga Milatari ee waddanka Turkigu ka furtay waddankaasi Soomaaliya ee aynu jaarka nahay waxaana isa soo taraya xogaha cusub ee laga helayo saldhiggaasi iyo xaaladaha ku gedaaman.
Wargeyska waxa soo ururiyey maclmuukaadkii iyo xogihii ugu dambeeyey ee laga bixiyay saldhiggaasi oo xafladdii Furitaankiisa xadhiga laga jaray Maalinimadii Jimcihii aan soo dhaafnay iyada oo warbaahinta dunida gaar ahaan tan dalalka Carabta, Turkiga, Afrika iyo reer Galbeedkuba aad wax uga qoraan.
Yaa hindisay Fekerka Saldhiggan?
Madaxweynaha waddanka Turkiga Rajab Dayib Erdogan waxa la sheegay in uu isagu ahaa maskaxdii hindistay aasaasta saldhiggan oo noqonaya kii ugu weynaa ee Turkigu ka sameeyo meel ka baxsan dhulkiisa waxaanu arrinkaasi sannadkii 2014 kala tashaday saraakiil milatari oo Turki ah isaga oo markii dambe arrinka saldhiggaasi kala heshiiyey Madaxweynihii hore ee Maamulka Muqdisho Xasan Sheekh Maxamuud.
Ujeedada Turkigu Saldhiggan Ka Leeyahay:
Khabiir ku takhasusay Arrimaha istaraatiijiga iyo Amniga qawmiga ah ee dalka Turkiga oo habeen hore waraysi siiyey telefishanka Aljazeera ayaa sheegay in Turkigu dhawr ujeeddo ka leeyahay dhismaha saldhiggan kuwaasi oo kala ah;
1. Soo celinta xidhiidhkii soo jireen ee uu Soomaalida la lahaa maadaama Turkigu tan iyo dawladdii Cusmaaniyiinta uu xidhiidho ganacsi iyo kuwo istaraatiijiba la lahaa dhulka Soomaalida.
2. Turkiga oo ah awood dhaqaale iyo milatari in uu ballaadhiyo saamaynta uu dunida ku leeyahay gaar ahaan mandaqadda Geeska Afrika oo ah goob istaraatiiji ah isaga oo dheelli-tiraya awoodaha Milatari ee dalalka Maraykanka, Shiinaha iyo Carabaha oo dhammaantood Saldhigyo ku leh mandaqaddan gaar ahaan dalka Jabuuti.
3. In Turkigu saamaynta koowaad ku yeesho gacan ku haynta dalka Soomaaliya oo juquraafi ahaan dhaca goob istaraatiiji ah lehna khayraad dabiici ah oo aan wali la soo saarin.
Awoodda Saldhigga:
Saldhiggan Milatari oo ku yaalla xeebta Magaalada Muqdisho waxa uu awood buuxda u leeyahay in uu markiiba weeleeyo oo qaadi karo in ka badan 1500 oo askari oo dhammaantood saldhiggaasi ka heli kara goobihii ay galayeen, goobihii ay tababarka ku qaadanayeen, agabkii ay isticmaalayeen iyo dhammaan tashiilaadkii ciidan u baahnaa iyada oo la sheegay in saldhiggaasi u dhisan yahay qaabkii ugu casrisanaa ee saldhig ciidan loo dhiso wakhtigan. Waxaana saldhiggan ku sugan in ka badan 200 oo askari oo Turki ah oo tababarayaal ah. Sidoo kale waxa ku sugan Noocyo badan oo Tikniko ah iyo saanado Milatari oo casri ah oo noocyo badan.
Xogaha saldhiggan laga helayaa waxa ay tibaaxayaan in dhismihiisa ay ku kacday dhaqaale ka badan 50 Malyuun oo Dollarka Maraykanka ah kaasi oo dhinaca badda xeelligeeda ku yaalla waxa dusha kala socda markab dagaal oo turkigu leeyahay oo taagan xeebta badweynta hindiya ee ku beegan saldhiggan. Goobta saldhiggu ku yaallaa waa goob istaraatiiji ah oo ku dherersan badda ayna adag tahay in ay soo beegsadaan kooxaha dagaalada kula jira dawladda taagta daran ee dalkaasi Soomaaliya.
Masuul u hadlay dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in mulkiyadda saldhiggan ay iska leedahay dawladda Soomaaliya oo uu Turkigu tabaruc ahaan ugu dhisay balse xogo kale ayaa tibaaxaya in Turkigu iska leeyahay oo uu gacanta ku hayn doono muddo dheer.