Dag Dag:Madaxweyne Caan Ah Oo Suuqyada Dadka Saboolka Ahi Wax Ka Iibsadaan Dhex Mushaaxay, Kana Adeegtay Iyo Qisada Dhex Martay Isaga Iyo Gabadh Maqal-Haye Ah

0
871

Madaxweynaha waddanka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan ayaa mar kali ah lagu war helay isaga oo dhex mushaaxaya suuqyada laga tukaamaysto ee caasimadda Ankara ee waddanka Turkiga, gaar ahaan suuqyada ay ka adeegtaan dadka dabaqadda hoose ahi isaga oo halkaasi u tagay in uu dhar, kabo iyo Agabka lagama maarmaanka u ah ubadka yarar marka ay dhashaan uga soo iibinayay ilmo yar oo uu awaw u yahay oo ay dhashay gabadh uu isagu dhalay oo lagu magacaabo Sumaya.
Sida ay ku warramayso warbixin wargeyska Foore idiinka soo turjumay telefishanka Turkiga ee TRT, Madaxweyne Erdogan oo aanay wakhtigaasi wax ilaalo ah oo badani la socon ayaa soo galay Tukaan lagu magacaabo Ebebek oo ay wax ka iibsadaan dabaqadda hoose ee bulshada reer Turki kadibna Tukaankii dhex mushaaxay isaga oo tiigsaday dhawr mar xidhasho oo dhar ah, beer kabo ah iyo alaabo yaryar oo ka mid ah adeegga caruurta yaryar loo iibiyo sidaana gacantiisa ugu soo adeegtay isaga oo diiday in ay shaqaalaha Tukaanku ka caawiyaan adeeggaasi.
Sida uu muujinayo muuqaalka Telefishanka TRT ka diyaariyay arrintan xiisaha lihi, Madaxweyne Erdogan ayaa markii uu gacantiisa ku soo xushay alaabtii yarayd ee uu Ilmihiisa u soo iibinayay waxa uu isa soo taagay goobta maqalka ah ee lagu bixiyo lacagta oo ay markaasi ku sugnayd gabadh dhallinyaro ahi, waxaanu si deggan uga codsaday in ay isku gayso xisaabta adeeggiisa isaga oo mid mid ugu diibay alaabtii uu soo qaatay taasi oo iyana isku gaysay lacagtii alaabta iyada oo dhoollacaddaynaysana u sheegtay xaddiga lacagta.

Arrinka xiisaha lihi waxa uu noqday in gabadhii maqal-hayaha ahayd oo ku jirta xaalad farxadi waa naxdin ahi ay Madaxweynaha u sheegtay in maamulka Tukaanku lacagtii alaabtaasi ka dhaafay oo Madaxweynaha Bilaash ku siiyey balse arrinkaasi waxa gaashaanka ku dhuftay Madaxweyne Erdogan oo gabadhii ugu mahadnaqay adeeggooda iyo sida ay lacagta uga dhaafeen balse uu u sheegay in uu haysto lacag, sidaa darteed aan loo baahnayn in laga saamaxo waxaanu tiigsaday jeebkiisa hoose ee koodhka suudhka ah ee uu xidhnaa waxaanu gabadhii u raaciyey hadalladan: “Fadlan ka gooso lacagtaasi oo baaqiga I sii” halkaasi oo ay gabadhii maqal-hayaha ahayd ugu soo celiyey qaddar qadaadiic ah oo baaqi u noqotay Madaxweynaha iyada oo qoslaysa. Intaa kadibna isaga oo u gacan haadinaya shaqaalihii Tukaanka uu dibadda u baxay.
Mulkiilaha Tukaankan ayaa sheegay in aanu arag waligii Hogaamiye ka dhibirsan oo ka dabacsan Erdogan kana kalsooni badan intii uu noolaa isaga oo sheegay in Madaxweynuhu arrinkan ku muujiyey sida uu bulshadiisa ula dareen yahay isaga oo awoodi karayay in uu ilmahaasi uu awawga u yahay uga adeego Tukaamada waaweyn ee dunida iyo gaar ahaan dalkooda ee gaar ahaan ay dadka madaxda ah iyo kuwa ladani wax ka iibsadeen balse uu sidan u sameeyey in uu bulshadiisa u muujiyo sida uu ula mid yahay.
Baraha xidhiidhka bulshada ayaa sawirrada arrinkan laga qaaday si weyn la isugu dhaafsaday iyada oo sawiradaasi muujinayaan Madaxweyne Erdogan oo kabaha iyo dharka inantaasi yar ee uu awawga u yahay gacantiisa ugu xulaya kadibna lacagtii Tukaanka ku bixinaya baaqi yar oo u soo hadhayna jeebka ku ridanaya.