Wasiika Arimaha Gudaha Somaliland Oo Kahadlay Basas Dhawaan Lagu Gubay Magalada Hargaysa

0
867

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay Basaskii maalmihii ugu dambeeyey lagu gubaayey Magaalada Hargeysa, waxaanu sheegay in baadhitaano la wado, cid walba oo ay ku cadaatana in sharciga lala tiigsanayo, waxaanu tilmaamay in cid walba oo isku dayda in nabada wax yeesho, umaddana khal-khal galiso, inay talaabo adag ka qaadayaan.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay eeda Dawladda Itoobiya ee ah inay Somaliland si sharci daro ah u soo baro-kicisay dad ka soo jeeda Qoomiyada Oromada, safar uu ku tagay Gobolada Barri, kala duwanaashaha Somaliland iyo Somaliya iyo qodobo kale, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya Basaska la gubay “Dhawrka Bas ee la gubay, ee maalmihii ugu dambeeyay, waa mushkilad, waana khalad, baadhitaankiina waa la wadaa, cid kasta oo ay ku cadaatana talaabo adag baa laga qaadayaa, dawlad ahaana cid aanu ka yeelanayno inay nabadgalyada khal-khal gelisana ma jirto, ee cid walba oo isku dayda inay nabada wax yeesho ama khal-khal umadda ku abuurto, gacan bir ah ayaanu ku qabanaynaa, oo talaabo adag baanu ka qaadaynaa”

Wasiirka Faratoon mar uu ka hadlaayey eeda Dawladda Itoobiya ayaa yidhi “Sidaas uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire uga hadlay, arintu weeye, ee ninkaas Dawladda Itoobiya afkeeda ku hadlay ee ah Wasiirka Warfaafinta Itoobiya, ee sheegay in dadkaas lagu soo saaray sharci daro, wax alaale wax ka jiraa ma jiraan, wax awood ah, wax hadidaada, wax farogelin ah, wax xumaan ah, iyo wax shari daro ah oo lagu sameeyey dadkaas oromada ah ee dakeena degan ma jirto, iyaga ayaa la ilaaliyey, oo nabadgalyadooda la ilaaliyey, wey jiraan qaar badan oo lafahooda u baqay, wixii Oromada Hawaday ka sameeyeen darteed u baqay, iyagoo ka baqay in laga aar guto, ama laga aarsado, oo dadkii ay oromadoodu dadkooda laayeen ay dhib u geystaan, qaar badan oo cararay wey jiraan, oo intooda badani Saldhigayada ay is keeneen, in nabadana guriyahoodii ayaa lagu ilaaliyey, cid alaale cid wax loo geystana ma laha, waa meel ka dhac in laga been sheego sida wanaagsan ee Somaliland ula dhaqantay qoomiyada oromada ee sharci darada inagula jooga”.

Wasiir Faratoon oo ka hadlay kala duwanaasha Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Haddii aynu nahay Somaliland, horumar balaadhan baynu ku talaabsan, waa inaynu sii wadnaa horumarkeena, waana in la iska ilaaliyo, wax kasta oo liic iyo dhabar jab ku keenaya horumarkeena, Caalamku wuu ka war hayaa halkaynu marayno,waxaynu qabsanay iyo dawladnimadeena, nabada  iyo kala dambaynta dalkeena ka jirta, Caalamku wuu ka war hayaa halkay Somaliya halkay marayso, xaaladeeda amni sida uu yahay iyo sidaynu u kala fognahay, Somaliya aad baynu  u kala fognahay, isku heer iyo isku meel ma joogno, Beesha Caalamkuna inaguma qasbi karto, dibna ulama midoobayno, ee maamulka Somaliya, waxaan leeyahay waxaynu nahay laba dal oo jaar ah, oo niyadiina ka saara midnimada aan sinaba suurtagalka u noqonayn”.

Wasiirka ayaa mar uu ka hadlaayey Safar uu ku tagay Gobolada Barri ayaa yidhi “Safar baanu ku tagnay Gobolada Barri, ujeeda kowaad ee Safarkuna wuxuu ahaa Jaamacadda Nugul ee Laascanood, oo qalan-jabine ka dhacayso, in aanu ka qayb qaadano, oo dhalinyarada qalanjabisay iyo waalidiintooda iyo waliba Jaamacadda in aanu soo bogaadino, Mashaariic ay Dawladdu Deeganadaas ka fulinaysana, aanu ugu bushaarayno, oo aanu soo dhagax dhigno, mashaariic kale oo badana waanu soo kormeernay, dhiirgelinta ilaalinta nabadgalyada ee Bulshadana waanu kala soo hadalnay, soo dhaweeyn aad u balaadhana waxa noo sameeyey oo nagu qaabilay Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee aan ka tirsan nahay, ee Gobolada Barri, oo aan aad ugu mahadnaqayo”