Is-kaashatada Booyadleyda Hargeysa oo Taageero Ballaadhan u Muujisay Xisbiga KULMIYE

0
802

Is-kaashatada booyadleyda caasimadda Hargeysa biyaha u dhaamisa ee DEDAAL, ayaa shaaca ka qaaday inay si buuxda u taageersan yihiin xisbul-xaakimka KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.
Isu soo bax ballaadhan oo is-kaashatadan oo lagu magacaabo DEDAAL oo ka hawlgala dhammaanba waaxaha ay caasimadda Hargeysa ka kooban tahay, ayey shaaca kaga qaadeen inay taageero laxaad leh u hayaan xisbiga KULMIYE, maadaama oo uu wax badan ka qabtay dariiqyada kala duwan ee dalka, isla markaana uu barnaamij-siyaasadeedkiisa cusub kusoo daray dayac-tir ballaadhan oo waddooyinka dalka isaga goosha ka muuqda.
Munaasibadda ay is-kaashatada booyadleyda caasimadda Hargeysa ee DEDAAL ku muujinayeen taageeradooda oo ka qabsoontay Degmada Ibraahim Koodbuur ee caasimadda Hargeysa, ayey kusoo safeen boqolaal kamid ah gaadiidkooda booyadaha ah oo uu ka babanayo calanka astaanta u ah xisbiga KULMIYE dariiqa 150-ka, waxana ay halkaas ku marti qaadeen xubno sarsare oo xisbiga iyo xukuumadda isugu jira oo ay kamid yihiin guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Maroodi-jeex Md. Maxamed Iid Dhimbiil, ku-xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Hadhiye, wasiirka wasaaradda caddaaladda Md. Axmed Faarax Caddarre, madaxda xisbiga KULMIYE u qaabilsan degmada Ibraahim Koodbuur iyo xubno kale, waxana ay halkaas ku caddeeyeen inay taageero hiil iyo hooba leh la garab geli doonaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.
Xubno ku hadlayey magaca is-kaashatada booyadleyda ee DEDAAL oo madasha ka hadlay, ayaa ku dheeraaday waxqabadka xukuumadda KULMIYE ee la xidhiidha dayactirka iyo binaynta waddooyinka cusub ee meelo badan oo dalka kamid ah iyo sida looga raystay dhibaatadii dariiq-xumadu ku keenaysay gaadiidka kala duwan ee gobollada dalka iskaga kala goosha.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Maroodi-jeex Md. Maxamed Iid Dhimbiil oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa is-kaashatada booyadleyda ku bogaadiyey go’aanka ay ku taageereen xisbiga KULMIYE, waxana uu sheegay inuu KULMIYE mar walba muhiimad gaar ah siinayo dayac-tirka waddooyinka kala duwan ee dalka ku yaalla.
Wasiirka wasaaradda Caddaaladda Md. Axmed Faarax Cadarre oo isaguna madasha hadal ka jeediyey, ayaa iskaashatada booyadleyda caasimadda ee DEDAAL ku hambalyeeyey taageeradooda ay u muujiyeen xisbiga KULMIYE, waxana uu tilmaamay in xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisuba maanka ku hayaan muhiimadda ay bulshada u leeyihiin is-kaashatada biyaha u dhaamisa caasimaddu.