Deg Deg: Yurub Geenyo Oo Hada Ka Soo Degtay Garoonka Diyaaradaha Ee Caasimada Hargeysa Iyo Laabsaalax Oo Soo Dhaweeyey

0
878

Fannaanada caanka ah ee Yurub Cabdi Cismaan (Yurub Geenyo) oo goor dhawayd ka soo degta garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa waxa soo dhawayn ballaadhan u sameeyay bulshada qaybaheeda kala duwan.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la sheegay in uu cafis Madaxweyne u u fidiyay fannaanada Yurub Cabdi Cismaan (Yurub Geenyo) oo muddooyinkii ugu danbeeyey ku sugneed magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya

Fannaanada Yurub Cabdi Cismaan (Yurub Geenyo) ayaa hore uga mid ahaan jirtay kooxda xiddigaha Geeska oo ah koox faneed ka dhisan magaalada Hargeysa, balse markii danbe ka degtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.