Deg Deg: Xildhibaanow Wacad Ku Maray Inay Maxkamada La Tagi Doonan Wiilka Yar Ee U Siilaanyo Adeerka U Yahay Ee Dhulki Umada Xaraashay Ee Wasiir Cali Mareexaan

0
811

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane) iyo Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, ayaa wax aad loola yaabo iyo ayaan daro ku tilmaamay in Abwaan Axmed Saleebaan Bide lagu qabsado dhulkiisa, oo uu sheegay in wasiirka hawlaha guud Mr. Cali Mareexaan ku haysto, waxayna xuseen in Abwaanka oo qudha Xukuumaddani dhib ku hayn, balse guud ahaan dalka oo dhan boob iyo musuq ku hayso.

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane) iyo Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Guddoomiyaha Guddida Deegaanka iyo Khayaadka ee Golaha Wakiilada Siciid Warsame Ismaaciil (Gaane), oo hadalkiisi ku bilaabay“Abwaan Axmed Saleebaan Bide, wuxuu ka dacwoonayey Cali Mareexaan, waxaanu Abwaanku sheegay in Cali Mareexaan oo ah Wasiirka Hawlaha guud inuu haysto, arinta iyada ahna waxay ka mid tahay khaladka jira iyo dhibaatada qaranka ka jirta, dhib gaar ah oo Abwaanka kaligii ku dhacayna noqon mayse, dhibaatada baahsan ee dalka ka jira ayey ka mid tahay, hantida qaranka ee la boobayo iyo musuq-maasuqa Xukuumaddani dalka ku hayso, markaas bartilmaameed gaar ahi kuma dhicin Abwaan Axmed Saleebaan Bide, ee boobka iyo musuqa dalka lagu hayo ayaa isna helay, oo umadda oo dhan baa wada ooyeysa”.

Xildhibaan Siciid Gaane oo ka hadlaya hantida qaranka iyo wakhtigan kala guurka ah ayaa yidhi “Mar haddii wakhti kala guura ah lagu jiro, waa in la sameeya Guddi ilaalisa hantida qaranka, si aan loola baxsan, si aan meel dhexe hantida umaddu uga bixin waa in arintan saddexda Xisbi iskaga yimaadan, labada Gole ayaa arintan ka hadli lahaa balse labaduba fasax bay ku jiraan, ee hantida inta la lunsaday mooye, waa inaynu badbadinaa intaas inoo hadhay”.

Guddoomiye ku xigeenka Guddida Arrimaha Guddaha iyo Nabadgalyada ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Bashiir Tukaale ayaa isna yidhi “Ayaan darooyinka dalka ka dhacaya ee lala yaaban yahay ayey ka mid tahay in Abwaan Axmed Saleebaan Bide dhulkii uu ku dhashay in lagu qabsado, oo Xukuumaddani wey mamtay, waxaana laga yaabaa inay Guriyaha ay xitaa inagu qabsato, haddii ay dadku hantidooda ilaashan waayaan, cidina u ilaalin mayso, Xukuumaddana wey mamtay, oo wax walba wey qaadaysa”.

Xildhibaan Bashiir Tukaale mar uu ka hadlaayey Xisbiga kulmiye ayaa yidhi “Xukuumad iyo Xisbigeeda Kulmiye weynu baranay,xaaladu aynu marayno maantana cidna kama qarsoona, ee Kulmiye wax bedelayaa ma jire, ee aynu Xisbiga Waddani codkeena siino”.