Bud-dhigeyaashii Wax Ka Unkay Labada Xisbi Mucaarid Oo Iska Xaadiriyey Xisbul-xaakimka Somaliland

0
1007

Jewiga Munaasibad Aan Loo Kala Hadhin Oo Hoggaanka Xisbiga KULMIYE  ku Qaabilay Siyaasiyiintan iyo Haldoor culus oo Weheliya

Hargeysa (Hubaal)- Xisbul-xaakimka Midnimada iyo Horumarka Somaliland ee KULMIYE, ayaa madal si weyn loo agaasimay oo ilyartu isqabatay kusoo dhaweeyey xildhibaanno iyo siyaasiyiin miisaan leh oo kamid ahaa bud-dhigayaashii xisbiyada WADDANI iyo UCID oo si rasmi ah ula midoobay KULMIYE.

Soo dhaweyntan loo sameeyey ku dhawaad 30 xubnood oo siyaasiyiin miisaan leh oo ay hormood u yihiin mudaneyaal ka tirsan Golaha Wakiillada oo ay kamid ahaayeen Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, Xil. Cabdiqaadir Tukaale, Xil. Naasir Cali Shire, Xil. Ibraahim Jaamac Rayte Xil. Xaamud Cismaan Cigaal, Xoghayayaashiiyaashii WADDANI ee Tiknoolajiyada Eng. Ibraahim Daahir Dubad, Xoghayihii Diinta iyo Awqaafta Axmed A. Xuseen, Xogihii Difaaca Khadar Cismaan Cilmi, Xoghayihii Dalxiiska Cali Cismaan Xuseen (Cali Guray), hoggaankii Abaabulka Garabka Haweenka Marwo Faadumo Aadan Cawad, Guddoomiyihii hore ee Gobolka Saaxil ee Xisbiga UCID Marwo Rooda Axmed Yaasiin, masuuliyiin kale iyo xubno ka mid ahaa golaha dhexe ee xisbiga WADDANI iyo UCID iyo weliba haldoor kale oo rag iyo haweenba isugu jira, kuwaas oo dhammaantood iskaga soo baxay xisbiyadoodii, isla markaana cududooda ku biiriyey xisbiga KULMIYE, ayaa munaasibad ballaadhan oo loogu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa shalay, wax aka qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha Md. Muuse Biixi Cabdi, Ku-xigeennadiisa, Xoghayaha guud ee xisbiga, hoggaanka garabka haweenka, wasiirro, xildhibaanno, madax-dhaqameed iyo boqolaal taageerayaasha haldoorka ku soo biiray xisbiga, waxaana halkaas laga jeediyey hadallo lagu soo dhaweynayey xubnaha cusub, isla markaana lagu hogo-tusaalaynayo sida uu xisbiga KULMIYE codkooda iyo cududoodaba diyaarka ugu yahay.

Ugu horrayn, Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf oo halkaas ka hadlay, ayaa si mug iyo miisaan leh xisbiga ugu soo dhaweeyey haldoorka iyo qoorweynta miisaanka leh ee kasoo digo-rogtay WADDANI kunoo soo biirtay KULMIYE, waxaannu sheegay inay yimaadeen madal aan cid gaar ah u xidhnayn oo loo wadasiman yahay, balse lagu soo kala horreeyey oo kali ah.

Siyaasi Axmed Muumin Seed oo isaguna ka mid ah hormoodka xisbiga KULMIYE, ayaa isaguna si xishmad leh xisbiga ugu soo dhaweeyey hormoodka cusub ee kusoo biiray KULMYE, waxaannu sheegay inuu weli maanka ku hayo geeddiigii dheeraa ee uu xisbiga WADDANI kaga soo guuray kadib markii sifo caddaalad-darro ah lagu sameeyey, sidaasi darteedna waxa uu xubnaha cusub ugu bushaareeyey inay yimaadeen xisbi aan cidina ka sheegan doonin.

“Waxaynu ku tartamaynaa waxqabad iyo barmaamijka xisbiga, laakiin ku tartamimayno cayda iyo aflagaadada, haddii aad aragtaan xisbi caytamaya waa xisbi laga badiyey, ragga maanta shaashada jooga ee caytamayaa waxay caddaynayaan in laga badinayo ayey caddaynayaan. Innagu KULMIYE haddii aynu nahay waxaynu wadnaa murrashaxiinta Muuse Biixi Cabdi iyo Murrashax Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo runtii ah laba nin oo innaga iibsamaya,” ayuu yidhi Md. Axmed Muumin Seed.

Waxa kaloo uu dhaliilay hoggaaminta murrashaxa jagada Madaxweynaha ugu taagan xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro, waxaannu yidhi, “Cabdiraxmaan Cirro waxa uu u caddaalad samayn kariwaayey laba nin oo reer Awdal ah, Somaliland-na u caddaalad-samayn karimaayo, ninka 450 golaha dhexe ah maamuli kariwaayey Somaliland qaddiyaddeeda laguba aaminimaayo, taana waxa marag ugu soo qaadanayaa labada kelmadood oo murrashax Cirro ka soo baxay oo kala ah; maalintii Dilku ka dhacay Dilla waxa uu isagoo murrashax Madaxweyne ah oo jooga Booorama waxa uu yidhi dilka Dilla ka dhacay waxa ka dambeeya degmada Dilla iyo madaxda KULMIYE bal caqliga ninka murrashaxa ah ee marxuum dhintay halkii uu tacsi uga diri lahaa leh hebel baa ka dambeeya leh Somaliland sidee buu ku maamulayaa, ta labaad waxa weeye maalin kasta WADDANI waxay leeyihiin qabyaaladdu ha dhacdo haddana odayaal reer baa loo diray Boorama bal taana ka warrama? 45 khudbadood oo uu jeediyey xisbiga WADDANI iyo Cabdiraxmaan Cirro intaba waxa leeyihiin Muuse ayaa yaabay iyo hebel baa yaabay iyo hebel baa yaabay? Waar waxaasi ma hoggaamin baa?”

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo khudbad dhinac badan taabanaysa ka jeediyey xafladda, ayaa mahadcelin uu kaga dareen-celiyey soo dhawaynta loo sameeyey kadib waxa uu ka hadlay muuqaalka uga soo dhexbaxay labada xisbi ee uu isku maray, waxaannu yidhi, “Markii aannu WADDANI joognay waaxanu odhan jirnay wax walba inagaa haysana oo guushaanu isa siinaynay, laakiin markaan halkan (KULMIYE) waxaan ogaaday inaanu gudcur-gudaynay oo dadkuba ay halkan joogaan, saaxiibadayda WADDANI joogana waxaan u sheegayaa wixii aynu ku sheekaysan jirnay waxba kama jiraan, KULMIYE-yihii helay 2010-kiina sidiisii buu ardaaga u fadhiyaa, markaa ninkii markaa helay oo maantana sidiisii ah ma cid baa ka badinaysa?, halkaas waxan leeyahay saaxiibaday warkaas war baa ka dambeeyey’e haddii la idinka badiyo aqbala.”

“Annagu markaanu doonayno waanu dhinac marnaaye KULMIYE wax badan buu qabtay, waxyaalaha ugu muhiimsan ee ishaydu qabatay waxa ka mid ah waddada Ceerigaabo, Derejada oo nin waliba ka baqi lahaa, ilaa ina Cigaal haddii uu nool yahay wuu ka baqi lahaa iyo diiwaangelinta la gaadhsiiyey xuduuddii dalka ee Garoowe 20-ka Km jirta,” ayuu yidhi.

Xubno ka mid ah haldoor rag iyo haween isugu jira oo ka mid ah xubnaha cusub ee WADDANI kasoo digo-rogtay ee soo biiray xisbiga KULMIYE oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Cabdiqaadir Tukaale, Rooda Axmed Yaasiin, Faadumo Aadan, Eng. Ibraahim Daahir Dubad, Axmed A. Xuseen, Khadar Cismaan Cilmi, Cali Cismaan Xuseen (Cali Guray), Marwo Rooda Axmed Yaasiin, aqoonyahan Ibraahim Sheekh Bashiir iyo xubno kale oo madasha ka hadlay, ayaa ku dheeraaday go’aanka ay ku gaadheen inay KULMIYE ku biiraan, waxaanay sheegeen inay cudud, cod iyo cuudba gelin doonaan sidii uu xisbiga KULMIYE talada dalka ugu guulaysan lahaa.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyey xubnaha cusub ee xisbiga kusoo biiray, waxana uu sheegay inay dhammaanba xubnaha xisbiga KULMIYE kamidka ah oo kuwa haatan cusubi kamid yihiin ay xuquuq siman ku dhex leeyihiin xisbiga oo aanay jirin cid si gaar ah u sheegan kartaa, isla markaana uu KULMIYE hayo jidkii uu u jeexay madaxweyne Axmed Siilaanyo oo isagu soo aasaasay xisbiga.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in bulshadu baahi badan u qabto sidii loo hilaadin lahaa mustaqbal ifaya oo lagu kobcinayo dhammaanba kaabayaasha nolosha, isaga oo farta ku fiiqay barnaamij-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE xambaarsan yahay qoddobo hore loogu sii wadi karo geeddiga uu gadh-wadeenka ka yahay madaxweyne Siilaanyo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa aynu isugu nimi inaynu ka wada hawlgalno in mustaqbalka da’yarteenu uu noqdo mid ka wanaagsan halka aynu maanta joogno oo sida Bani’aadamku u koro aynu u korino dhaqaalaheena, aqoonteena iyo cududeenna, waxa intaas iyo in ka badanina ay ku caddahay Barnaamijka xisbiga KULMIYE.”

Ugu dambayntii, Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo isagu madasha haldoorka cusub lagu soo dhaweynayey soo afmeeray, ayaa bulshada ugu baaqay inay isku duubnaadaan, isla markaana wada-jirkooda iyo wax wada lahaanshahooda muhiimad gaar ah siiyaan, waxaannu xubnaha cusub u hogo-tusaaleeyey nidaamka dimuqraadiga ah ee xisbiga KULMIYE ku dhaqmo iyo tartamada & doodaha adag ee dhinaca afkaarta ah ee dhexmara.

“Sidaa la sheegay way jiraan wax badan oo qabyooyin iyo wax badan oo toosin u baahan, waxaannu ballanqaadaynaa in aannu dhisno qaran qabiil ka madhan, qaran ummaddu wada leedahay Somaliland siday u dhantahay iyo qaran maamul-wanaag ku sifooba ayaanu hortiina idinka ballanqaadaynaa. Somaliland way inna deeqdaa, waxaanay innagu deeqdaa innaga oo waxeenna hagaajisana, caddaalad ku soconna. Waxaannu leenahay indheer-garadkii, aqoonyahankii iyo waxgaradkii Somaliland hadday isugu yimaadeen xisbiga KULMIYE waa Ilaahay mahaddii,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Saylici.