DEG-DEG : XILDHIBAAN CABDIRAXMAN TANYAALE OO KU DHINTAY DALKA HINDIYA

0
804

Alle Ha U Naxariisto, Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle ayaa ku geeriyooay waddanka Hindiya.

Alle Ha U Naxariistee, xildhibaanku waxa uu muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa dalka Hindiya oo uu u joogay hawlo caafimaad, sida Hubaal loo xaqiijayayna caawa ayuu xaqii ku haleelay dalkaasi.

Cabdiraxmaan Talyanle waxa uu kamid ahaa xildhibaannada golaha wakiillada Somaliland, waxaana uu ahaa mid kamid ah xubinaha ugu firfircoon golaha wakiillada, iyadoo uu ahaa xildhibaankii kursiga gudoonka golahaasi kula tartamay guddoomiyaha golaha wakiillada, Baashe Maxamed Faarax oo hal cod kaga guulaystay cod gacan taag ah oo laoo qaaday.

taariikhda marxuumka wararkayaga dambe ayaanu idiinku soo gudbin doonaa haddii Alle Idmo.

Geerida Marxuumka waxa tacsi u diray masuulyiin kamid ah qaranka Somaliland.

TACSI Marxuum Cabdiraxmaan Talyanle

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, ahna murashaxa xisbiga Muuse Biixi Cabdi, Duqa Caasimadda Cabdiraxmaan Soltelco, Xildhibaanka Golaha Wakiilada Saleebaan Cali Koore, Xildhibaanada Golaha deegaanka ee Hargeysa oo kala ah Cabdicasiis Aadan Habane, Axmed Cali Haybe, Cabdi Cali Yuusuf, Xildhibaan Ismaaciil Caga-yare, Mustafe Cismaan Daahir. Dhamaantood waxay tacsi u dirayaan ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxay marxuum Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle oo ku geeriyooday waddanka India.

Waxay Allah uga baryayaan inuu marxuumka jannatul Firdowsa ku abaal-mariyo, ehelka, asxaabta iyo qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka geeriyoodayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo Kale haddaanu nahay bahda Hubaal waxaan Tacsi u diraynaa, Eheladii iyo dhamaan shacabka Somaliland ee ka baxay marxuumku.