Warbaahinta Oo Heshay Qoraal Rasmi Ah Oo Ay Hay’adda WFP Cabasho Kaga Muujisay Adeegga Dekedda Berbera Iyo Suurtogalnimada Inay Dekedo Kale U Wareegto

0
792

Hay’adda cuntada aduunka ee WFP ayaa warqad rasmi ah oo ay u dirtay wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland isla markaana ogaysiin siisay wasiiradda maaliyadda,arrimaha dibada,iyo arrimaha gudaha waxay kaga cabatay adeegga dekeda magaalada Berbera o ay sheegtay in rogitaanka shixnaddu uu qaato waqti,taas oo marka laga eego shaqada gargaarka bini’aadamimo ee hay’adda aan dan u ahayn iyo in mudada markabku badwaynta u tagnaanayo in lasoo xidhaa ay badatay,taasina ay keentay culays dhinaca heshiiska tirada maalmaha ee ay hay’addu markabka soo kiraysato iyo waqtifa uu joogayo oo kala badanaya.

Hay’addu waxay xukuumadda Somaliland ku wareejisay in ay hadda kadib maraakiibta shixnadaha badan sida u wareejin doonto dekedaha kale ee gobolka,inkaste oo aanay magacaabin dekeda ay doorbidayaan in ay berbera ku badashaan.

Warqaddan ku taariikhaysan 28-kii Ogos 2017 oo sumaddeedu ay tahay WFP-HAR/17/08/2017 oo uu geeska Afrika helay wax ay hay’addu ku tidhi
“Sida aad ka warqabtaan,hay’adda cuntada aduunka ee Qaramada Midoobey (WFP) waxa ay kamid tahay macaamiisha ugu waa wayn ee shixnaddaha kala soo dega dekeda Berbera.Qayb wayn oo kamid ah shixnadahaas WFP soo mariso Berbera waa ay gudubtaa,waxaana ay ka kooban tahay Cuntooyin caawimo ah ook aan loogu talo galin Somaliland oo kaliy,balse sida oo kale lagu caawinayo Somaliya,Itoobiya,iyo Yamen oo ay dadkoodu macaluul khatar u yihiin iyo nafaqo daro.Sidaa awgeed WFP shixnado cunto ah oo aad u badan ayaa ay kala soo dagtaa Berbera oo ah xudunta ugu muhiimsan gobolka hawlaha ay hay’addu wado.Arrimahaas awgood waxa aanu si naxariis leh uga codsanaynaa inaad noo xaiqijisaan in shixnadaha bani’aadamnimo ee hay’adda WFP uga soo daga dekeda magaalada Berbera dajinteeda mudnaan gaar ah la siin doono.Waxa kale oo aan si naxariis leh uga codsanaynaa in la yareeyo maalmaha ay tahay in markabka kirada ah ee u raran WfP uu sugo in lasoo xidho.gaar ahaan maraakiibta xamuulka ah ee badarka Qaada (Qamadida ) iyo maraakiibta WFP wakhtiga go’an la soo kiraysatay.

Codsigan ay hay’adda cuntada aduunka ee WFP ay u dirtay xukuumadda ayaa waxa uu nkusoo beegmayaa wakhti ay cadhiidhi tahay dekeda isla markaana xaalad ay ka taagan tahay dekeda magaalada Berbera.

 

xigasho: somalilandtoday.com

http://somalilandtoday.com/warbaahinta-oo-heshay-qoraal-rasmi-ah-oo-ay-hayadda-wfp-cabasho-kaga-muujisay-adeegga-dekedda-berbera-iyo-suurtogalnimada-inay-dekedo-kale-u-wareegto/