Madaxweyne Donald Trump Oo Muwaadiniinta 8 Dal Oo Kale Ka Mamnuucay Maraykanaka

0
983
LAS VEGAS, NV - OCTOBER 08: Republican presidential candidate Donald Trump speaks during a campaign rally at the Treasure Island Hotel & Casino on October 8, 2015 in Las Vegas, Nevada. During the rally, Trump said people were giving him credit for helping force House Majority Leader Kevin McCarthy to bow out of the race for Speaker of the House. (Photo by Isaac Brekken/Getty Images)

Madaxwayne Trump ayaa xayiraad cusub ku soo rogay 8 dal oo ay ka mid yihiin Kuuriyada waqooyi, Venezuela iyo Chad.

Mamnuucidda ayaa ka danbeeysay ka dib dib u eegis lagu sameeyay xaalada ammaanka iyo amar uu horey u soo rogay oo waqtigiisa imika dhacayo.

 

Mr .Trump ayaa sheegay in mudnaanta uu siinayo in Maraykanka uu noqdo ammaan .

Saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen in xeerarkan ay bartilmaamed ku yihiin dalal gaar ah.

Maraykanka ayaa wadamada Suuriya iyo wuqooyiga Kuuriya ku soo rogay mamnuucid buuxda halka Venezuela ay mamnuucida ku xaddidan tahay saraakiil ka tirsan dowlada iyo qoysaskooda.

Sudan ayaa laga reebay liiskii hore ee 6 dal ee muslimiinta u badnaa ee hore mamnuucida loogu soo rogay .

Balse waxaa wali liiska ku jira wadamada ,Soomaaliya,Suuriya,Iran libiya iyo Yaman.

Amarkan cusub ayaa lagu wadaa in uu dhaqangalo 18 bisha october ee soo socota.

Kisas looga soo horjeedo Mamnuucidan ayaa waxa horey loo geeyay maxkamd si looga hortago in la dhaqangaliyo.