Dhallinyarada iyo Aqoonayanka mid kamid ah Beellaha Koonfurta Hargeysa (Baho-deeqsi/Ciidagale) oo Taageero u Muujiyey KULMIYE

0
832

Agaasimayaasha guud ee Wasaaraddaha Kalluumaysiga iyo Duulista Dr. Fu’aad Cabdisalaan XAsan iyo Cumar-zeyid Cabdillaahi Aadan oo Sheegay In Dhalinyaradani U Hagar-baxayaan Sidii KULMIYE Uu Mar kale Talada Ugu Guulaysan Lahaa

Dhallinyarada, aqoonyahanka, waxgaradka iyo siyaasiyiinta beesha Baho-deeqsi oo kamid ah beelweynta Ciidagale, ayaa muujisay taageerada laxaadka leh ee ay u hayso xisbiga KULMIYE.

Munaasibad ay beeshani ku muujinayso taageerada ay xisbiga KULMIYE u hayso oo habeen hore lagu qabtay hutel Gacalle ee magaalada Hargeysa, isla markaana ay ka qaybgaleen hormoodka iyo haldoorka beesha iyo xubno xilal muhiim ah ka haya xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda oo ay kamid yihiin Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Md. Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Maroodi-jeex Md. Maxamed Iid Dhimbiil, ku-xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Hadhiye,Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha wasaaradaha Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda iyo weliba Duulista hawada Md. Fu’aad Cabdisalaan iyo Cumar Sayid, dhallinyaro, aqoonyahan, haween iyo marti-sharaf tiro badan, ayaa lagu shaaciyey inay beeshani si rasmi ah u taageersan tahay xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.

Dhammaanba xubnihii halkaas hadlay, ayaa ku dheeraaday sida ay beesha uga siman tahay taageerada ay xisbiga KULMIYE u hayso, iyaga oo soo bandhigay waxqabadka xukumadda KULMIYE ka dhalatay dalka ka hirgelisay iyo sida ay muhiimka u tahay in fursada waxqabadkaas lagu sii dhammaystiro la siiyo xisbiga.

Xubno kamid ah odayaasha iyo waxgaradka beeshan oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa sheegay inay ka siman yihiin taageerada KULMIYE, waxana ay tilmaameen inay beel ahaan caan ku yihiin taageerada ay KULMIYE u hayaan.

Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Iid Dhimbiil, ayaa isaguna xusay in beesha Baho-duqsi codkooda iyo cududoodaba la garabgeli doonto xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.

Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Duulista Hawada Md. Cumar Sayid iyo Kalluumaysiga Md. Fu’aad Cabdisalaan oo halkaas ka hadlay, ayaa caddeeyey inay beeshu isku duubni uga shaqaynayso sidii xisbiga KULMIYE mar labaad talada dalka ugu guulaysan lahaa, isla markaana taageeradooda la hagar bixi doonaan.

Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Md. Jaamac Shabeel, ayaa isaguna farta ku fiiqay xidhiidhka ma guuraanka ah ee xisbiga KULMIYE iyo beesha u dhexeeya, waxana uu sheegay inay beel ahaan diyaar u yihiin inay codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.