Madaxweynuhu Taladdiisu Waa In Doorasho Xor Iyo Xalaal Ahi Dhacdo Cabdillaahi Geeljire

0
1014

Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Kalluumaysiga Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), ayaa xilli labada Xisbi mucaarad qaadaceen Guddida Anshaxa ee Doorashada, waxa uu Xisbiyada ugu baaqay in muddada kooban ee ka hadhay Doorashada Madaxtooyada, inay wanaaga ka wada shaqeeyaan, oo tanaasul iyo tixgelin la yimadaan, si Doorasho xor iyo xalaal ahi u dhacdo.

Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Kalluumaysiga Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay dadkii reer Somaliland ee lagu laayey dalka Itoobiya, gaar ahaan Magaalada Hawaaday, waxaanu si gaar ah baaq ugu diray Bulshada reer Somaliland, oo ugu baaqay in aanay cidna waxba yeelin, waxaanu ugu horeyn yidhi “Taladu waxa weeye wakhti ma hadhine, Doorashadana waa la wada leeyahay, ee ciddi gaar uma leh, Doorashadana saddexda Xisbi ayaa wada leh ee Dawladdu ma leh,Dawladdu way u dhexeysaa oo dadka ay u maamulaysaa, Saddexda Xisbi mid baa Xisbul xaakim ah, balse Dawladdu inay wax wanaajiso mooye, wax xumayn ka fili mayno, Dawladdu waxay ku shaqeeysa taladda iyo tusaalaha Madaxweynaha, sida uu Madaxweynuhu marar badana ku celceliyo taladdiisu waa in Doorasho xor iyo xalaal ah oo laga wada raali yahay inay dhacdo, oo uu ku soo gunaanado shaqadii uu umadda u yahay kontanka sannadood, Saddexda Xisbina waxaan kula talinayaa inay taas tixgeliyaan, oo ay isku tanaasulaan, oo wanaaga ka wada shaqeeyaan, wakhti la murmaana muu hadhin oo ololihii baa la galayaa”.

Geel-jire oo ka hadlaayey dadkii lagu laayey Hawaday iyo xidhiidhka u dhexeeya labada dal ayaa yidhi “Dadka ku nool Itoobiya, waa dad aynu jaar nahay, oo marka hore waa inaynu guud ahaan nabad ku wada noolaano, ta kale dadka ina soo xiga ee Muslimka ee aynu la macaamilno, ee ay ugu soo sokeeyaan dadka aynu isku jinsiga nahay ee Somalida iyo kuwa kale ee aynu isku diinta nahay ee Oromada, waa inaynu si gaar ah isku sii ilaashano, oo nabada, ganacsiga, walaaltinimada iyo jaarnimada aynu wada ilaashanaa, oo diinta iyo dadnimadu ina fartay aynu wada ilaashanaa, wixii dhacayna waa in la bogsiiyaa, wax dambe aanay dhicin”