Mudane Madaxweynaha soo socda 5 sano wax waan qaban karnaa.

0
1118

Somaliland waxa ay galasaa doorashadii 6aad hadii aanan halmaansanayn oo ah hal qof hal cod, waa farxad iyo badhaadhe in wadan aan la ictiraafsanayni qabsado doorashooyin intaas lee goo hadana weliba lagula kala calaf qaado oo iyadoo la isbogaadinayo oo la isu laabxaadhan yahay la is hambalyeeyo midaasina waa goabnimo aynu dheernahay qaarada Africa inteeda kale.

Wayaaha iyo hayaanka dheer ee ka bilaabmi doona 13 ka bisha 12aad oo ah marka la dhaariyo madaxweynaha hogaanka u hayn doona 5ta sano ee soo socda Somaliland waxa lagu rajo weynyahay in la bilaabo dhabihii horumarka iyo koriinka bulsho iyo mid dhaqaaleba Allena ka rajeynayna inay noqdaan 5 sano oo badhaadhe iyo barkhad ku bilaabma oo kusoo afjarma, mudane madaxweynaha 5ta sano ee soo socda waxaan doonayaa inaan ku xasuusiyo in maalinka kursiga aad fuusho lagaa sugayo horumar la taaban karo iyo dhigaal la mahadiyo oo aad uga tagto wadankaaga iyo shacabkaaga maamuus iyo qadarina lagu siiyo ehelkaaga oo kolka la arko ubad aad ka tagtey dunida la xasuusto samihii iyo wanaagii aad u horseeday 4ta milyan ee reer Somaliland.

Mudane madaxweyne marka la eegayo koriinka dhaqaale iyo mid bulshoba ee wadamada aduunka waxa loo kala qeybiyaa sadex qeybood oo afka qalaad lagu dhaho :

  1. Least developed countries
  2. Middle income countries
  3. Well developed countries

Marka la eegayo wadankeena waxa aynu ku jirnaa kuwa 1aad weliba waxaynu kaga jirnaa wadamada ugu sii hooseeya, laakiin mudane madaxweyne waxa aan kuu hubaa kartidaada iyo  aqoontaada iyo taageerada shacabkaaga inay aynu noqon karno wadamada 2aad isla jeerkaasna gaadhi karno wadamada 3aad ee hore-umaray.

Muddo 5sano ah ilaa 10sano wadamo ku jiray liiska 1aad ee least developed countries ayaa waxay soo galeen liiska 2aad ee Middle income countries, waxa la dhahay oo dunida xaqiijisey in wadamadaasi ka qalanjabiyeen liiska 1aad waxana ka mid ah :

  1. Botswana

Waa wadan dhaca koonfurta Afrika wuxuu xad la leeyahay wadamada kala ah south Africa, Zimbabwe iyo Namibia waxa kale oo mara saxaraha la dhao kalahri desert, dadweynaha ku dhaqani waa 2.2 million, duulna alle ma badlo ilaa iyagu isbadlaan, wadankaas waxa usoo baxay nin magaciisa la dhaho (Seretse ian Khama) wuxuu wadanka xukunkiisa kusoo biiray 1999 oo uu noqdey madaxweyne ku xigeen, markii uu dhamaystay laba xilli doorasho waxa uu hadan isku soo sahraxay madaxweyne dib ayaa loo doortey hadana waxa uu ku jiraa xilligiisii 2aad ee uu yahay madaxweyne, wadankiisa oo horumarkiisu aad u liitey waxa uu kadhigey wadamad ugu horumarsan Afrika waxa uu gabi ahaanab bedelay manhajkii waxbarasho, oo waxa uu ku saleeyey kheyraadka wadanka wuxuu aduunyada u dhoofiyaa kheyraadka wadankiisa oo ay ka mid yihiin Daimond, Copper, Nickel, Textiles iyo kheyraad badan oo kale waxana uga soo xarooda kharash lagu qiyaasey (5.1 Billion), waa tusaale wacan oo Somaliland ugu filan wax ku qaadasho

  1. Maldives

Waa wadan dhaca koonfurka qaarada Asia waxa uu ka kooban yahay 1000 jasiiradood oo yar yar, waxa ku dhaqan dad tiradooda lagu qiyaasey  0.42 million , waxa wadanka hoos u dhigey daganaansho la’aan dhanka cimilada ah iyo musuqmaasuq hadheeyey taasi waxay sababtay in la saadaalin kari waayo sida uu noqonayo mustaqbalka wadanku laakin waxa ay doorteen madaxweyne wax badan ka bedelay rajadii madoobayd iyo rajadii wadanka waxana magaciisa la yidhaa (Abdulla Yameen), waxa uu world bank u weydiiyey lacag amaah ah, bangigiina waa usoo gurmaday 2009 wadanku waa dunsanaa oo horumarka dhaqaale iyo mid bulshoba waxa uu ahaa mid hooseeya, World bank waxa uu shaqada ka bilaabey 2009 wuxuu dhisay oo xiijiyey afar waaxood oo muhiim u ah koriinka iyo kobaca wadanka oo kala ah : gadiidadka isakga goosha wadanka oo balaadhan, noloshii iyo maceeshadii oo ay jebiyeen, guryahii oo ay jebiyeen qiimahooda, caafimaadkii oo la tayeeyey iyo maandaooriyahii iyo dadka kala iibsigooda oo la joojiyey, 2014 oo ah 5sano kadib wuxuu wadanku soo galay meelaha ku wacn dalxiiska, dhaqaalaha soo gala qofka muwaadinka ah 2009kii ka hor waxa lagu qiyaasaa $200, 2016kii mar la qiyaaseyna waxa qofka muwaadinka ah soo gala 8.6 million USD, tusaale iyo wax ku qaadasho iyada ayaa inoogu filan in muddo shan sano la gaadhey heerka intaas leeg.

 

  1. Rwanda

Waa wadan dhaca bariga Africa waxa uu xuduud laleeyahay wadamada kala ah Brundi, Uganda iyo DRC waxa ku nool dad lagu qiyaasey 12 million,  waxa uu ku caanyahay oo lagu xasuustaa dagaalkii sokeeye ee 1994kii ka dhex qarxey labada qabiil ee kala  ah Hutu iyo Tuutsi waxa dagaalkaas ku nafwaayey dad lagu qiyaasey 800,000 oo u badnaa Tuutsiga oo ah kuwa laga tiro badan yahay, dagaalkaas lagu hoobtey kadib waan iyo heshiisiin la dhex dhigey waxa kusoo afmeerantey colaadii nabad iyo is afgarad, 23 sano kadib dagaalkii sokeeye Rwanda waxa ay doonaysaa in ay taariikhdii madoobayd ee u gashey bogaga caalamka in ay ku tirtirto bogag kale oo wanaagsn oo ah horumarka dhaqaalaha ee ay ku taabsatay mudooyinkii u dambeeyey, waxa madaxweyne ka noqdey nin la dhaho Paul Kagame ninkaas oo markaliya shacabka u jiheeyey dhabihii horumarka iyadoo hadii ay sidaa kusii socota la aaminsyahay in 2025 ay noqon doonto wadanka ugu wanaagsn dhanka dhaqaalaah iyo horumarka afrikada ka hooseysa saxaaraha.

 

Mudane musharax madaxweyne ahna Madaxweynaha beri waxa aan kusoo gaadhsiinayaa in wadamadaas aan kor kusoo sheegnay iyo kuwo kale oo badan ba uu shakhsi wax ka bedelay oo uu gaadhsiiyey halka ay maanta taaganyiihiin ee ay hogaanada u qabteen koriinka dhaqaale ee wadamada soo koraya, 5 sano waxa aad ku qaban kartaa horumar la taaban karo oo ah dhinac walba oo bulshada khuseeya, ugu yaraan bulshada waxaad u leexinta kartaa dariiqa saxda ah (Shifting to the right direction), mudane waxaan hubaa hadii aad shacabkaaga ka shaqaysiiso in aynu soo gaadhi karno oo noqon karno kuwa ugu sareeya (Least developed countries LDC), mudane madaxweyne kusoo dhowow howl badan iyo hadal yar, kusoo dhowow 4milyan oo shicib ah oo 70% bilaa shaqo yihiin, kusoo dhowow kumanaan aqoonyahan oo ka qalanjabiyey jaamacadaha wadanka, mudane madaxweyne geedigaaga ka bilaabmaya 13/12/2017 waxaad kusoo afmeertaa guul iyo gobanimo.

W/Q: Mohamed Mostafe Mohamoud

Mohamedmostafe939@gmail.com