Xidhiidhka Ka Dhaxeeya Ardayadii Ugu Saraysay Imtixaanaadkii Dugsiyada Sare Ee Dalka Iyo Shirkada Dahabshiil

0
941
Waxay Wasaarada Waxbarashada JSL iyo Xafiiska Imtixaanaadku shalay ku dhawaaqeen natiijadii imtixaanada Shahaadiga Dugsiyada Sarre iyo Kuwa Dhexe, taasoo, dedaalkeeda iyo Fadliga Eebe ku noqotay Asma Adan Yuusuf, oo Dugsiga Sare hablaha Nuuradiin dhigan jirtay, ardayadii ugu sarraysay guud ahaan dalka, Waxaan leeyahay hambalyo, adiga, waalidkaa, macalimiintii dhamaan Dugsiyada Nuuradiin Wiilasha iyo Hablaha iyo dhamaan ardaydii ku guulaysaya natiijadii imtixaanada dalka.
Marka aynu gaar ugu sii fiirsano guusha Asma Adan oo dhigan jirtay dugsiga sare hablaha Nuuradiin, waxa kuu soo muuqanaya oo Fadliga Eebe, ka dib sabab u noqon kara, muddana in loogu mahadceliyo shirkada Dahabshiil, oo abuurtay fursadii Asma Adan iyo kumanaan kaloo hablo ah sida ugu wanaagsan waxbarashadoodii u dhigtaan ama ugu dhamaysteen.
Maamulaha dugsiyada Nuuradiin Mahad Maxamed Ibraahim oo ka hadlayey xafladii furitaanka bangiga Dahabshiil, saddex sannadood hortood ayaa shaaca ka qaaday in Bangiga Dahabshiil u maalgeliyey guud ahaan dugsiga sare ee Nuuradiin ee hablaha u gaarka ah oo ka kooban 35 fasal, xafiisyo, laabab, laybareeri iyo barxad wayn oo ay ku baxday lacag $700,000 (toddoba boqol oo kun doollar), kaas oo ay waqtigan wax-ka-bartaan 2050 hablood (laba kun iyo kontan) oo reer Somaliland ah.
Guusha Asma Adan iyo hablaha kale dhigan jiray Dugsiga hablaha Nuuradiin gaadheen, waxaynu xaqiiqdii odhan karnaa waxay xidhiidh wadaagaan shirkada Dahabshiil, oo abaalkeedana ummada ka heli doonaan, ajarkeedana Ilaahay, waxaan odhan lahaa, halkaa ka sii labanlaaba dedaalada aad ummada reer Somaliland  gaar ahaan iyo guud ahaan Soomaalida meel kastoo ay joogaan la garabtaagan tihiin, oo dhab ahaan, maxsuulkeeda horena aad u aragteen, dibna u arki doontaane.
Maareeyaha guud ee Bangiga Dahabshiil xaruntiisa Hargeysa Mr. Siciid Maxamed Cali (Gar-seef), oo ka hadlayey furitaankii bangiga Caalamiga ee Dahabshiil 30 Nov 2014, ayaa sheegay in adeegyada uu bangigu bixiyo oo ay ka mid yihiin; furista xisaabaadka kala duwan, isku gudbinta lacagaha ee bangiyada dhexdooda, adeegyada macaamiisha ee tooska (Online), adeegga LC-ga iyo waraaqaha dammaanadaha, waxaanu yidhi
“Muddada gaaban ee aan sannadkan dhammayn ee bangigu sida rasmiga ah u furnaa wuxuu ku guulaystay inuu maalgelin ku sameeyo lacag $68,800,000 (siddeed iyo lixdan milyan iyo siddeed boqol kun oo dollar), iyadoo guud ahaan macaamiisha la maalgeliyey dhan yihiin 769 macmiil (toddoba boqol iyo sagaal iyo lixdanmacmiil).
Waxa kale oo bangigu si gaar ah u unkay mashruuca kobcinta ganacisga ee Dahab (Micro-Dahab Project) oo ah qayb loogu talo-galay ganacsatada yaryar, ilaa hadda intii uu shaqada bilaabay waxa laga maalgaliyey ganacsato muwaadiniin danyar ah oo kor u dhaafay 150 ganacsade oo la siiyey lacago amaah kookooban oo kor u soo qaadaysa ganacsigooda.
By M Walaaleeye