Guddiyada wadahadalka u qaabilsanaa Jamhuuriyadda  Somaliland iyo  mamulka Khaatumo oo maalmihii ugu danbeeyay wadahadallo uga socdeen  magaalada Hargeysa, ayaa si wadajir ah bayaan uga soo saaray maxsuulka kulamadii ay yeesheen, kaasi oo ka kooban dhawr qodob.

Bayaankan wadajirka ah ayay labada dhinac ku xuseen in ay isla meel-dhigeen in maamuladda Garoowe iyo Xamar ay faro-galin qaawan ku hayaan gobollada bariga Somaliland, gaar ahaan Buuhoodle, waxaanay beesha caalamka ugu baaqeen in wixii goboladaasi ka dhaca ay Garoowe iyo Muqdisho masuul ka yihiin, loona baanah yahay in arrintaas isha lagu hayo.

Guddidan labada dhinac, sidoo kale, waxa ay magacaabeen guddi farsamo oo ka soo talo bixin doonta shirweynihii loo balansanaa oo loo qorsheeyay in uu ka qabsoomo magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, kaasi oo dib u dhac uu ku yimid.

Qodobadan lagu heshiiyay ayaa waxa labada dhinac u kala saxeexay, Dr. Sacad Cali Shire, wasiirka arrimaha dibada Somaliland iyo Keyse Cabdi Yuusuf oo ah madaxa amniga ee kooxda Khaatumo, waxaannu kulankaasi ka qabsoomey maanta Huteel Safari ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland mudane Sacad Cali Shire ayaa warbaahinta u akhriyey qodobada heshiiska ay labada dhinac isla qaateen, waxaanu u dhignaa sidan:

“1 –Waxaanu tacsi u diraynaa  eheladii iyo qaraabadii ay dhimashadu ka soo gaadhay isku dhicii magaalada Buuhoodle ka dhacay dhawaan ee dhexmaray labada reer ee walaalaha ah.

2- Waxaanu bogaadin iyo hanbalyo u diraynaa odayaashi iyo waxgaradkii ka hawl galay Illaaheyna ku guuleeyay inay soo af-jaraan shaqaaqadii halkaasi ka dhacday.

3- Waxaanu isla garaney in meel looga soo wada jeesto xaalada cusub ee ka aloosan Buuhoodle.

4 In maamulada Garoowe iyo Muqdisho ay joojiyaan faro-galinta qaawan ee ay ka wadaan deegaanada Somaliland guud ahaan, gaar ahaana Buuhoodle.

5 In Caalamku ogaado wixii dhibaato ah ee ka dhaca Buuhoodle in ay ka masuul yihiin labada maamul ee Garoowe iyo Muqdisho.

6 In siiba maamulka Puntland joojiyo dhibaatada uu ku hayo nabada iyo geedi socodka Dimuquraadiyada Somaliland.

7 In Garaadada Cuqaasha iyo Wax-garadku si wada jir ah uga hor tagaan wixii dhib iyo dhaawac gaadhsiinaya nabada iyo nolosha dadka.

8 In Somaliland marnaba aanay aqbali doonin in meel lagu qabto shir lagu kala qaybinaayo dadka iyo dalka Somaliland, laguna burburinaayo wada hadalada Somaliland iyo Khaatumo.

9 Waxaanu uga digeynaa shirkadaha iyo hay’addaha iyo  diyaaradahu inay fasax la’aan ka soo degaan garoomada si loo sugo amaankooda.

10 Waxaa la magacaabay guddi laba dhinac ah oo talo bixin ka soo jeedisa qabashada shirweynaha loo dhan yahay.”

Keyse Cabdi Yuusuf oo ka mid ah xubnaha guddida Khaatumo ayaa isaguna goobtaasi ka hadlay waxaanu xusay heshiiskan iyo ujeedada laga leeyahay, waxaannu yidhi “Shirkaas waa mid waliba Khaatumo iyo Somaliland la rabo in laga sii sal bal;aadhiyo, waar haday jiraan cid Dhulbahante ah oo aan Khaatumo ahayn, albaabku waa uu u furan yahay, waana ka soo gali karaan, nuxurkuna waxaa weeyaan waar Khaatumo calan leh oo dawlad gaara ah, haatan halkan laguma hayo, Somaliland sidan ku dhaqmeysa oo dani ugu jirtana lama hayo, waana sidii dawlad wanaagsan oo loo wada dhan yahay ay Somaliland u sameystaan.”