Cali Guray ‘Waxaan Filayaa in oday Cabdirxmaan Cirro uu Caamaysan Yahay oo Maar Dahab ahaan Looga Iibiyay’

0
1278

Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE, ayaa  ku dooday in murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, uu ku fashilmi doono siyaasiyiintii muddada ka maqnaa siyaasadda ee ku biiray xisbigiisa.

Waxa kaloo uu Cali Guray sheegay in hannaanka Cirro iyo  Muuse u kala raadsadaan taageerada bulshada ay kala duwan yihiin oo sida uu xusay Muuse Biixi uu leeyahay waayo-aragnimo uu codbixiyeyaasha kula falgalo si uu u kasbado.

Cali Guray waxa uu sidaas ku sheegay qoraal dheer oo uu caawa ku baahiyey bartiisa facebook, waxaannu ku bilaabay sidan:- “Xisbiga Waddani iyo murrashaxiisu  inta badan waxay bartilmaameedsadaan hebelada magacyadooda la yaqaan ee ama Wasiirro ka noqday xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland ama xilal kaleba ka soo qabtay.

Inta badan waxay urursadaan waxa u badan dad aan siyaasadda xisbiyada ka dhex muuqan jirin balse wasiirro hore ahaan jiray oo inta badani aanay muddo dheer wax dhaqdhaqaaq siyaasadeed lagu arag gebi ahaan saaxadda siyaasadana ka maqnaa wakhti dheer oo aan saamayn badan ku yeelan karin codbixiyaha maadaama ay siyaasadda ka maqnaayeen muddooyin badan.

Laakiin istraatajiyadda Kulmiye iyo murrashaxiisu  way ka duwan tahay ta Waddani oo waxay bartilmaameedsadaan codbixiyaha iyo dadka saamaynta tooska ah siyaabo kala duwan ugu yeelan kara.

Degmo kasta iyo tuulo kasta oo uu gaadho murrashaxa Kulmiye, wuxuu ula hadlaa si aanu ula hadli karin murrashaxa Waddani oo wuxuu  muujiyaa waayoaragnimadiisa iyo aqoontiisa gaar ahaan uu u leeyahay degaanka dadka iyo dhulka iyo duruufaha u gaarka ah ee aan lala wadaagin iyo dhibaatooyinka u gaarka ah sababaha keenay iyo sida ugu habboon ee xal loogu heli karo.

Wuxuu gaadhaa ilaa iyo heer uu si toosa ugala doodo arrimahooda taas oo ugu dambaysta ku qancisa in murrashaxa  Kulmiye uu yahay shakhsi dadka ka mid ah oo iyaga ka mid ah oo lagu kalsoonaan karo.

Wuxuu  dheer yahay oo kale Muuse wuxuu ku xidhan yahay uu kala yaqaanaa hoggaamiye dhaqameedka degaannada Somaliland oo dhan waana nin la yaqaan dhaqanka oo la dooyaysta si saraaxad ahna ula qaadaa dhiga xaaladda guud iyo kuwa gaar ahaaneedba.

Markaa labada istraatajiyadood ee labada xisbi ee sidaa u kala duwan tee ayaa ugu dambaysta lagu kasbi karaa tirada ugu badan ee codbixiyaha Somaliland? Waa mafhuum oo ta Kulmiye way shaqaynaysaa waanay shaqaysay ta waddanina ma shaqaynayso ee way fashilaysaa.

Tan kale shakhsiyaadka xilalka ka quud daraynaya Waddani haddii laga helo doorashada miyay yihiin kuwa Waddani oo mucaarid ah sii ahaanaya oo u adkaysan kara duruufaha adadag ee mucaaridnimada? Maya, waayo shakhsiyaad aan wax mabda’ ah ama aragti ah oo ay leeyihiinba aanay jirin ee kursi-doono uun ah oo loo yaqaan dawlad-ku-nool inta badanna waa mar ay kursiga ku fadhiyaan iyo mar ay fooda-ku-haye ama wasiir u meero yihiin.

Sidaa daraadeed kuwan intay xijistaan mucaaridnimada Waddani oo mucaarid ahna sutida la qabtaan maaha wax ka suurtoobi kara kuwan uu Waddani ka soo jafay gidaaradii ay muddada dheer ku caaryaysteen. Waddani waxay la halmaali karaan oo keliya haddii uu doorashada ku guulaysto oo laga yaabo in kuwana xilal loo dhiibo inta ugu badanina ay xil sugayaal noqdaan iyaga oo laga yaabo in aanay helin haddana ka qancin ee isku shandheyn kasta madaxa la soo kacaan ilaa saacadda ugu dambaysa.

Kulmiye oo haddana mar labaad guulaystay Madaxwaynuhuna uu noqday Muuse Biixi oo si fiican u yaqaan una kala yaqaan in ergo u soo diran doonta iyo in lugaha qabsan doonta iyo in halkii laga soo kiciyay dib ugu noqota mooyee wax uga dhexeeya oo kale lagama filayo.

Markaa kuwan uu Waddani buunbuuninayaa haddii ay yihiin kuwa waxtar u noqon kara oo dadku wax u haystaan oo codad u keeni karaan waxba may ahaateen.  Haddii ay wuwo xisbinimada Waddani danaynaya oo mabda’ ahaan ugu biiray yihiinna dee dhib iyo dheefba way la wadaagi lahaayeen, laakiin runtii maaha markaa waxay ku falayaan ey isugu taxalujinayaan ilaa heerkan iyo waxay u tarayaan anigu weli maan fahmi ee waxa aan is leeyahay way ku khasaareen waanay ku khasaari doonaan ee bal aan eegno halka ay iskala soo dhacaan Waddani iyo xil u meerada dawlad ku noolka ahiye waxanse filayaa in oday Cabdirxmaan Cirro uu caamaysan yahay oo maar dahab ahaan looga iibiyaye.”