Cabashadii iyo shaqo joojintii ay sameeyeen shaqaalaha muruq-maalka Dekedda Berbera gaar ahaana waaxda loo yaqaanno Salvador-ka ee qaabilsan dejinta iyo rarrista alaabooyinka ayaa  xal laga gaadhay.

Kadib markii sida la sheegay qodobbo ka mid ah waxyaabihii ay shaqaalaha muruq-maalku ka cabanayeen ay xukuumadda Somaliland balan qaaday in ay masuuliyadiisa qaadanayso, iyadoo   shaqaalihii Dekedda ee shaqo joojinta sameeyay ay hawshoodii dib u bilaabeen. Heshiiskaas oo   habeen hore xarunta madaxtooyada ee magaaladda  Hargaysa ay ku kala saxeexdeen   xubno guddi ah oo ka socday muruq-maalka Dekedda Berbera  iyo masuuliyiin  ay  wasiirro   xukuumadda ka tirsan ka mid ahaayeen.

Sida oo noo xaqiijiyay guddoomiyaha guddiga  muruq-maalka Dekedda Berbera Ciise Cali Faarax (Ciise Cali Hangoole),  oo  xalay teleefoonka ugu waramay wargeyska Dawan  isagoo ku sugan magaaladda Hargaysa.

Ciise Cali Hangoole,    ayaa  ka gaabsaday in uu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo heshiiskaas iyo qodobbada ugu muhiimsan ee uu ka koobnaa, hese yeeshee wuxuu sheegay in saddex qodob oo ka mid ahaa waxyaabihii ay ka cabanayeen in ay is-la qaateen xukuumadda.

Ciise Cali Faarax,  ka hadlayay heshiiska is-af-garadka ah ee ay xukuumadda la galeen waxa uu   yidhi “War guud haddii aan kuu sheego, waanu heshiinay. Waxaanan ku heshiinay wixii aanu anagu  (muruqmaalka) doonaynay saddex qodob ayay ahaayeen. Saddexdii qodob  waanu kala saxeexanay, waxna way ka qabyo yihiin. Qodobka u horeeya oo ah: in anu shaqaalaha xaqoodda, dhimashadda iyo dhaawaca wixii ku yimaadda, iyo wixii ay geystaan dhibaato ee ah qalabka  ay ka shaqaynayaan cidda  loo raacayo, dawladda ayaa bixinaysa ayay nagu yidhaahdeen.  Midda kale oo ahaa: Xaq  ay shaqaaluhu lahaayeen  oo mushaharka  ahaa, waxaanu isku af-garanay  in aanu dib isugu soo noqono. Ta saddexaad oo ah: Lacagta ay shaqaaluhu ka cabanayeen in loo kordhiyo, bisha September ayaanu  dhamaynaynaa ayaanu ku balanay. Intaas ayuun baan guud ahaan hadda kaaga sheegi karaa. Heshiiska madaxtooyadda ayaanu ku gaadhnay  xalay (habeen hore).”

 

Guddoomiyaha Muruq-maalka  Dekedda Berbera  oo aanu waydiinay  goorta la dhammaystirayo waxyaabaha  ka  qabyadda ah heshiiskaasi   waxa uu ku jawaabay,  “Wixii qabyo ah, waanu ka wadahadlaynaa  haddii ALLE ka dhigo, oo waanu isu-soo noqonaynaa,” ayuu yidhi Ciise Cali Hangoole.

Waxa kaloo uu  sheegay in ay ka muruq-maal ahaan iyagu heshiiskaasi ku qanacsan yihiin, isla markaana ay shaqadii Dekedda oo xanibnayd muddo laba maalmood ah dib u bilaabeen, isagoo carabka ku dhuftay in heshiisyo ay hore xukuumadda ula galeen ay ka qaldameen.

“Heshiiska anagu waanu ku qanacsanahay, oo shaqadii Dekedda ee taagnayd waanu bilawnay. Laakiin, weli waxbaa naga qabyo ah,  waayo dhawr jeer oo hore wax baa ka yarro qaldamay,  markaa imikana weli ma hubno”ayuu yidhi Ciise Cali Hagoole.  isagoo  ka hadlayay  rejadda ay ka qabaan in xukuumadu ay heshiiskaasi sidiisa u fuliso, maadaama oo sida uu xusay ay marar hore wax ka qaldameen, waxa uu yidhi “Kolay horta dhawr qodob ayaa dhamaan waayay, wax waliba way ka soo bixi karaan. Laakiin imika  ka dayrin mayno ilaa aanu aragno  natiijadoodda. Waanu iska sugaynaa, laakiin marka ay isa-soo taagto  arrintu ayuunbaanu jawaab ka bixinaynaa.”

Geesta kale arrinta xalinta cabashadda shaqaalaha muruq-maalka Dekedda Berbera waxaa dhinaca xukuumadda loo xil saaray xubno ay ka mid ahaayeen wasiirka  madaxtooyadda,  maaliyadda, wasiiru-dawlaha maaliyadda iyo  maareeyaha dekadaha.  Dhinaca kale masuuliyiinta xukuumadu u xilsaartay xalinta arrintaas ee heshiiskaas uga qayb galay oo uu ka mid ahaa maareeyaha dekadaha Somaliland Axmed Yuusuf  Dirir,  oo aanu xalay dhawr jeer isku daynay in aannu arrintaas wax ka waydiino ayaanay noo suurtogelin, isagoo telefoonkiisa gacanta  naga qaadi waayay.