Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Moqdisho Ka Dhoofaya Iyo Dalka Uu Ku Sii Jeedo

0
776

Maxamed Cadbilaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu wadaa inay booqasho ku tagaan magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo oo aheyd mid horay loo sii shaaciyay, kana mid aheyd booqashooyinka rasmiga ee Xafiiska Madaxweynaha loo soo diray, ayaa timid kaddib markii uu casuumaad uu ka helay dhiggiisa Uganda Yoweri Museveni.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo ay ka wada hadli doonaan xidhiidhka labada dal, siyaasada, ammaanka, iyadoo Uganda ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

Sidoo kale booqashada uu Madaxweynaha ku tagayo Uganda ayaa noqoneysa tii afaraad oo uu ku tago wadamada gobolka, isagoo horay u booqday dalalka Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti oo dhamaan ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

Dhinca kale waxaa xusid muddan in madaxweyne Farmaajo sanadkii 2011, isagoo xilligaas ahaa Ra’iisul Wasaare inuu Kampala u tagay heshiiskii la magac baxay Kampala Accord ee sababta u ahaa inuu is casilo, kaddib markii ay is qabteen madaxdii xilligaas, iyadoo dowladda Uganda ay soo fara gelisay khilaafkaas.

Dalka Uganda ayaa ah dalkii u horeeyay ee ciidamo nabad ilaalin u soo dira Soomaaliya, sidoo kale waa dalka ugu badan ee Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya