War Deg Deg ah: Ismaciil Hurre Buubaa oo laga Joojiyey inuu ka dhoofo Madaarka Hargeysa, Maxaa Sababay

0
906

Ismaciil Maxamud Hurre Buubaa oo ah Siyaasi ka tirsan Xisbiga WADDANI ayaa laga joojiyay inuu ka dhoofo Madaaŕka Caasimada Hargeysa xilli uu isticmaalayay baasaaboor Soomaali diblamaasi ah.

Somaliland ayaa hore u joojisay in garoomadeeda lagaga dhoofo Baasaaboorka Somaliga ah ee cusub gaar ahaan nooca ay isticmaalaan madaxda Somaliya ee diplomatic loo yaqaan.

Laanta Socdaalka ee Somaliland ayaa la sheegayaa inay masuulkani u sheegtay inaanu Baasaaboorkan uu sito laga ogolayn in lagaga dhoofo Hargeysa. Sababta loo diiday ayaa ah ayaa lagu sheegay in masuulkani sitay baasaaboor cadaynaya sitay inuu yahay madaxda dowlada Somaliya.