Wasiirka Diinta iyo Awqaafta somaliland Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed, ayaa soo gaba gabeeyey tartanka Quraanka Kariimka ah ee ay sanad walba Bisha barakaysan ee Ramadaan maal galiso Shirkada Dahabshiil.

Munaasibad balaadhan oo lagu soo gunaanadayey xifdiga Qur’aanka oo la bilatay Bisha Ramadaan, labuna  qabtay masjidka Cali Mataan ee badhtamaha magaalada Hargeysa. ayaa abaal marino kala duwan oo qaali ah lagu gudoonsiyey Ardaydii kaalmaha hore ka gashay tartankaa.
Waxa Shirkadda Dahabshiil Group ku metelayey munaasabadda Maareeyaha Guud ee Xawaaladaha iyo isu-diridda lacagaha ee Shirkadaha Dahabshiil Group, mudane CAbdirashiid Faarax Axmed.
Cbdirashiid waxa uu xusay in Dahabshiil tartankan soo 2wadey ilaa iyo sannadkii 1998, iyada oo la joogteeyey in sannad walba lagu beego bisha barakaysan ee Ramadaan, taasina ay horseeday in xukuumadda, shirkado iyo shakhsiyaad kaleba ku soo biiraan khayrka oo tartanno la mid ah ama kaabaya u qabtaan dhallinyarada xufaadda ah – rag iyo dumarba.
“Shirkaddu laba ujeeddo ayay ka lahayd ebtidda tartankan Qur’aanka Kariimka ah: inay dhiirrigeliso dhallinyarada Ilaahay u dhib yareeyey xifdiga Kelmadda Eebbe iyo dhaqanka iyo axkaamta suubban eek u duugan iyo in Weynaha Kariimka loogu dhowaado oo bishaa barakaysan waxii ugu khayrka badnaa lagu nooleeyo,” ayuu yidhi mudane Cabdirashiid.
Waxa uu xusan inay sharaf iyo karaamo waxaan ahayn aanay shirkadugu ka dhaxlin sunnahan ku-dayashada mudan, uuna rajaynayo in Ilaahay ku abaalmariyo maskaxda iyo gacanta ka dambaysa barnaaijkan oo ah mulkiile Maxamed Siciid Ducaale.

Mudane Cabdirashiid waxa kale oo uu ka dalbaday culimadii iyo quraa’dii ku sugnayd madasha inay u duceeyaan dadka uu haleelay cudurka shuban-biyoodku oo meelo badan taataabtay.

Dhinaca culimada, waxa ugu horayn munaasibadan ka hadlay Sheekh Ciise Maxamuud Cabdullaahi kaas oo ka waramay abaal marinta laga helayo xifdiga quraanka kariimka ah waxaanu yidhi “Wuxuu alle ku tilmaamay ganacsiga aan khasaaraha lahayn, qofka ganacsadaha marka ay alaabtu bada u soo socoto ama diyaarad u soo saaran tahay ama dhulka uu soo marayo warwar ayaa saaran, alle waxa uu balan qaaday in qofka quraanka akhriya aanu ganacsigiisu khasaare lahayn.”

Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir kaas oo ka waramay muhiimada ay leedahay in caruurta lagu tarbiyadeeyo xifdiga quraanka waxaanu yidhi “Ubadka aynu quraanka kula dedaalayno ee aynu barayno iyo rabayntooda lagu rabeeyo diinta ilaahay, cilmiga la yidhaa tarbiyadu waa mid la barto oo mudan in waalidka, macalinka iyo bulshadu ku dedaasho, wax wax lagu tarbiyadeeyana waxa ugu fiican kitaabkaas kariimka ah ee aynu hayno ee aynu cisaynayno ee ay dhalinyaradu ku tartamayaan, qofka bani aadamka ah markii uu ilaahay ifka keenay waxa uu soo raaciyey kitaabkaas quraanka ah, haddii laga maarmayana lama soo raaciyeen.” Ayuu yidhi Sheekh Dirir.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo gebagebadii munaasibada ka hadlay, ayaa abaal marino gudoonsiiyey Ardayda kaalmaha ugu horreeya galay.
“Quraanku waa hogaamiyaheenii,waa hanuunkeenii,waana hogaankeenii, ilaahay ayaa inoo soo dajiyey oo inooga dhigay hanuun iyo caafimaad aynu ku caafimaadno, markaa inaynu ku dedaalno oo aynu sanad walba qiimayno waxa ku jira qiimaheena iyo in ilaahay ina soo dhaweeyo waayo nabiga ayaa inoo sheegay in dadka ehlu quraanka ah ilaahay soo dhaweeyo, waxaanan u mahad celinayaa culimadii tartankaas soo qaban qaabisay iyo shirkada maal galisay ee Dahabshiil.”
Tartanka quraanka kariimka ah oo sannad walba la qabto xiligan oo kale, waxa y Ardayda ku tartantaa ka kala yimaadaan dhamaan gobolada Somaliland, waxaana sanadkana uu kaalinta koowaad galay Cabdilaahi Ismaaciil Jaamac oo ka socday gobolka Maroodijeex.