Shirwaynaha Dhallinyarada Beelaha Habar-jeclo Oo La Iclaamiyey, Goobta Iyo Goorta La Qaban Doono

0
755

Kulan ay isugu yimaadeen dhallinyarada aqoonyahanka beelaha Habar-jeclo oo ka dhacay magaalada Burco ayaa lagu iclaamiyey shirwaynaha dhallinayarada beelwaynta Habar-jeclo oo lagu qaban doono degmada Ballidhiig ee gobolka Gobolka Togdheer.

Kulankan oo ay ka soo daahireen badi aqoonyahanka iyo indheergaradka dhallinyarada beesha Habar-jeclo ayaa la sheegay inuu shirkan oo loo bixiyey Guryo Samo 1 uu qabsoomi doono 22-ka bisha jully 2017, waxaana ay dhallinyaradu sheegeen inuu yahay mid ka madax banaan siyaasadda wakhtigan taagan, sidoo kalena xubno madasha ka hadlay ayaa iska fogeeyey inay cid gaar ahi shirkan dabada ka riixayso.

“Qodobka ugu wayn ee shirka lagaga hadli doonaa, waa gurmadka abaaraha waad ogtihiin abaaro baahsan iyo xanuuno ka dambeeyey ayaa isku keen raacay, qodobka labaad isku xidhka midnimada reerka gude iyo dibadba, qodobka saddexaad, horumarinta deegaanada beeshu degto, qodobka afraad ee aanu gorfayn doonaa waa siyaasadda guud ee beesha, siyaasadda dhaw iyo ta fogba”, sidaasi waxa yidhi mid ka mid ah dhallinyarada shirka ka soo qaybgashay oo ka hadlayay ajendayaasha shirka ugu muhiisan.

Sidoo kale dhallinyaradii kale ee madasha ka hadashay ayaa deedafeeyey inay jiraan xisbiyo ama cid siyaasiyiin ah oo shirkan lug ku leh, “Shirkani maaha mid xisbi ku saabsan ama xisbi dabada ka riixayo ama ay cid kaleba dabada ka riixayso, waa shir ay dhallinyarada Habar-jeclo ay danahooda kaga tashanayaan”.

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee ay isugu yimaadaan dhallinyarada kala duwan ee beelaha Habar-jeclo, waxaana ay dhallinta badi ahaanteedu ka muujiyeen rajo wanaagsan iyo midnimo.