Shirkadda Dahabshiil Group oo Caawimo Daawooyin ah Gaadhsiisay Cisbitaalka Burco

0
1280

Shirkadda DAHABSHIIL aya waxay daawoyin ku wareejisay dadka U Soo Ritay xanuunka shuban biyoodka ee gobalka Togdheer Ee Magaalo madaxda Burco waxanay ku wareejisay wasaaradda Caafimaadka Ee Gobalka Togdheer.

Madaxa Hawlagalinta shirkada Dahabshiil Group Cabdiraxmaan Cali Xaaji Xasan Iyo Maarayaha Shirkadda Dahabshiil Ee Gobalka Togdheer Axmed Aadan Ibraahin ayaa ka waramay cadadka Tirada Deeqdani Dawada ah Ee Shirkadda Dahabshiil ay Ku Wareejinyaan Maanta.

Waxaana ka Hadlay Maarayah Guud Ee Shirkada Dahabshiil Ee Gobalka Togdheer Md Axmed Aadan Ibraahin Waxanu Yidhi “waxa manta xagan inu jooga maarayasha shirkadda Dahabshiil Group Oo Dawooyin Inu Keenay waxana ka mid ah cabdiraxmaan cali xaaji xasan oo dawadaa oo dadka rayidka ah lugu talo galay soo gaadhsiyey , Xanuunka Afayey Umada Ee Gobalka Ku Habsaday. Sidana Waxa Yidhi Maarayaha Shirkadda Dahabshiil Group Ee Gobalka Togdheer Axmed Aadan Ibraahin.”

Sido Kale Waxa Barta Ka Hadalay Cabdiraxmaan Cali Xaaji Xasan Waxanu Yidhi Sidan, “waxanu sidna Dawo Dhan Oo ah 3,0000 Oo Xabo Ringar ah oo aanu ugo talo galnay inaanu kaga qayb qaadano Xanuunkan Shuban Biyoodka, Ee Afayey Magaaladda.

Waxanan Ku Wareejinaya Wasiirka Caafimaadka Jsl Md Dr Saleebaan Ciise Xaglo Toosiye 3,0000 Oo Mid 100 Kartoon Oo Min 30 Xabo Ah.”

Cabdiraxmaan Cali Xaaji Xasan Isaga Oo Hadalkiisa Sii Wata ayaa waxa u yidhi “Sidan Waxan Doonayah Inaan Fursadan Uga Faaidaysto Ugo Horeyn Inaan U Mahad Naqo Shaqaalaha Wasaradda Caafimada Jsl Madax Iyo Mijo, Runtii Dadku Ina ay noolyihiin inta ay gurmad iidinka Doonayan Ama Ay Idiinka Bahan Yihiin.”

Sidoo Kalana waxa Goobta Ka Hadlay Wasiirka Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Xaglo Toosiye Iyo Badhasaabka Gobalka Togdheer Md. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) Oo Si Qoto Dheer Ugu Mahad Naqay Shirkadda Dahabshiil Ee Ka Qayb Qaadataha Wax Kasta Oo La Soo Darsa Xaalada Guud Ee Dalka Waxanay Yidhi Sida Tan.

Ugu Horeyn Waxa Ka Hadlay Badhasaab Gobalka Togdheer Md. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) Oo ugu mahad naqay Deeqdan Shirkadda Dahabshiil Group ay kaga qayb qaatan Dadka Shuban Biyoodku La Soo Darsay Ee Gobalka Togdheer

Waxanu Yidhi “Waxan Aad Ugu Mahad Naqayah Shirkadda Dahabshiil Group Oo Aanay Ahayn Markii Ugu Horeysay Ee Aay Deeq kaga qayb qaatan ee Xaalad Kastah Oo Dalka La Soo Raristay Ay La Ag Joogan Hiil Iyo Hooba, Waana Shirkada U Tirsan Oo Ay Umadu Ku Xisaabtanto Waxanan Idin Lanahay Usoo Kurdhiya.”

Waxanu Sido Kale Sheegay Inay Aad Ugu Mahadnaqayaan Shirkadda Dahabshiil Haday Abaaro Tahay Iyo Haday Waxa Kale Tahayba

Sido Kale Wasiir Xaglo Toosiye ayaa isna yidhi “Waxan Xagan Uga Mahad Celiyey Shirkadda Dahabshiil Group oo ka qayb gashay Gurmadka lagu xakamaynayo Xanuunka Shuban Biyoodka Ee Ka Bilaabmay Imika Magaalada Burco Gobalka Togdheerna mudo Ku Soo Jiray”

Sidoo Kalana Waxa U Sheegay Wasiir Saleebaan Inay 11 Meelood oo Kale ay kula soo dagaalaman Xanuunkan waxanu ilaahay ka baryey Inay Noqoto Meeshi Ugu Danbeysay Aanu Ku Dagaalanu Xanuunkan ila hadana faro adag ayaan ku hayne Wananu Qabanay Xanuunkan Si Wanaagsan ayayna shaqado U Socotah.”