Maamul Goboleedka Puntland Oo Dawooyin iyo Qalab Caafimaad Ku Qaybiyey Ceerigaabo Dusheeda Iyo Deegaano Sanaag Ka Tirsan + Mooganaanta Wasaaradda Caafimaadka Somaliland

0
795
????????????????????????????????????

Wasiir Kuxigeenka Caafimaadka Puntland Ayaa Deegaanka Yube Ku Qaybisay Dawooyin, Khudbadna U Jeedisay Dadka Deegaanka

Wasiir kuxigeenka maamul goboleedka Puntland ee dalka Somalia Aamina Xadhigle ayaa dawooyin iyo qalab caafimaad u qaybisay dadka deegaanka Yube oo ka tirsan gobolka Sanaag isla markaana 70 KM u jirta magaalada Ceerigaabo.

Haweenaydan wasiir kuxigeenka ka aha maamul goboleedka Puntland ayaa deegaankaasi keentay gaadhi dawooyin ah iyo qalab kale oo kuwa caafimaadka ah, waxaana ay dadka deegaanka u jeedisay khudbad kooban oo ay ku amaanaysay maamulka Puntland.

Deegaanka Yube ayaa ka mid ah deegaanada ay Somaliland gacanta ku hayso waxaana uu aad ugu dhaw yahay magaalada Ceerigaabo, in maamul goboleedka Puntland halkaasi soo gaadhaan isla markaana dawooyin iyo gargaat ka qaybiyaan ayaana sida la fahamsan yahay nuqsaanka ku ah dawladda Somaliland, sidoo kalena waa faro-gelin toos ah oo uu maamulka Puntland kula kacay dhulka jamhuuriyadda Somaliland.

Xukuumadda Somaliland iyo wasaaradda caafimaadku toona arrintani kamay hadlin, sidoo kale siyaasiyiinta deegaanka ka soo jeeda ayaan iyaguna arrinkaas wax jawaab ah ka bixin.