Ganacsade Xalay Lagu Dhex Dilay Gudaha Magaalada Hargeysa+Magaca Marxuunka Iyo Cidda Dishay

0
871

Wararka aan helayno ayaa waxay sheegayaan in xalay gudaha magaalada Hargeysa gaar ahaana suuqa Waaheen lagu diley nin dhalinyaro ah oo ganacsade ah oo suuqaasi ka ganacsan jirey.

Ninkan ganacsadaha ah ee xalay la dilay ayaa waxa uu suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa ku haysan jirey meherad dharka lagu iibiyo (Bacadle),waxaana sida naloo sheegay xalay halkaasi ku dilay nin meherad u dhaw ka ganacsan jirey.

Marxuunkan la dilay xalay ayaa waxa magaciisa naloogu shegay Farxaan Maxamed Aadan (Casaanyo),waxaana marxuunkan lagu dilay Mindi(Toorey).

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa markiiba ku guulaystay inay gacanta kusoo dhigaan gacan ku dhiiglihii dilka gaystay xalay,waxaana maydka marxuunkan uu yaala cusbitaalka magaalada Hargeysa.

Ilaa hadda lama garanayo sababta uu ninkani marxuunkan u dilay.