Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Dad Xalay Ku Dhintay Roobkii Ka Da’ay Gobolka Togdheer Farriina U Diray Shacabka Somaliland

0
892
????????????????????????????????????

Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay Roob dabaylo iyo calaydh xoogan watay oo xalay ka da’ay magaalada Burco iyo deegaano hoos yimaada isla markaana sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Tirada dadka khasaaraha roobkaasi gaystay ku dhintay ayaa waxa lagu sheegay inay yihiin Afar qof,kuwaas oo qaarkood uu kusoo dumay gidaarka Garoonka kubadda Cagta ee magaalada Burco.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland ahna afhayeenka xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Cadaani ayaa tacsi u direy eheladii dadkaasi ay ka geeriyoodeen,isaga oo sidoo kalena sheegay in fariin tacsi ah uu uga sido madaxwayne Siilaanyo.

Wasiir Cadaani ayaa sidoo kale waxa uu fariin baaq ah u direy shacab waynaha reer Somaliland ee ku nool gobolada iyo degmoyinka Somaliland waxaana uu yidhi

“Madaxwaynaha Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu tacsi u dirayaa Afar muwaadin oo xalay roobabkii ka da’ay gobolka Togdheer Burco ku geeriyooday oo uu Alle uga barayayo inuu naxariistii janno ka siiyo eheladoodii,qaraabadoodii iyo umadda Jamhuuriyada Somaliland-na Samir iyo imaan kasiiyo,waxa kale oo uu madaxwayne Caafimaad alle uga baryayaa saddex muwaadin oo kale oo iyaga dhaawacyo kasoo gaadheen roobabkaasi ka da’ay gobolka Togdheer,Nimco waliba nusqaan leh,waxa kale uu madaxwaynuhu umadda Jamhuuriyada Somaliland u sheegayaa madaama oo wakhti roobaadkii ay tahay oo alle uga mahad naqayno in umadda Somaliland meel kaste oo ay joogaan  inay Feejignaadaan oo markay Daad xoogan ama Roob fara badan ay arkaan ka feejignaadan oo naftooda ay daryeelaan oo deg deg kaste oo ay qabaan iyo meel kaste oo ay ku dagdagayaan uu waajib ka saaran yahay inay nafahooda ilaaliyaan”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay wasiir Caddaani.

Gabagabadiina dhawaaqan kasoo yeedhay xukuumadda Somaliland ayaa kusoo beegmaya xilli uu xalay magaalada Burco iyo nawaaxigeeda uu ka da’ay roob dabaylo wata oo sababay khasaare nafeed iyo mid maalba,waxaana mararkan oo kale oo roobabku curtaan ay sababaan khasaare kala duwan.