Madaxtooyada Somaliland: Xilka-qaadis iyo Magacaabis Cusub – Magacyada Masuul Cusub iyo Mid La Diray

0
1142

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa War-Saxaafadeed Maanta ka soo baxay Madaxtooyada lagu sheegay in uu Xil-ka-qaadis iyo Magacaabis ku sameeyey.

Madaxweyne siilaanyo oo Saxeexaya Warqad Magacaabis iyo xilka-qaadis Loo dhiibayWaxaa lagu sheegay War-Saxaafadeedkaas oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Warbaahinta Ogaal mar dhawayd, in Madaxweynuhu xilka ka qaaday Maareeyihii hore ee Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland, isla markaana ku magacaabay Maareeye Cusub.

Qoraalka War-Saxaafadeedka Xambaarsanaa Wareegtada Madaxweynuhu Xilka-qaadista iyo Magacaabista ku sameeyey ee Aftahannews soo gaadhay, waxa uu u dhignaa sidatan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4734/052017, uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka (Road Development Authority) ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ujeeddo: Xil-ka Qaadis; Ku: Mudane, Xasan Cali Cismaan, Maareeyihii Hore ee Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka JSL. Mudane; waxaan aad kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Magacaabid;

Madaxweynuhu:b Markuu Arkay:  Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Wakaaladda Horumarinta Waddooyinku (RDA) u leedahay dhismaha iyo horumarinta Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday; In Mudane, Ibraahim Siciid Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka (Road Development Authority) ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Ibraahin Siciid Cilmi, oo aan xilka Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland u magacaabay. ALLAA MAHAD LEH.”