Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo kamid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland sidoo kalena ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa si adag u durey xukuumadda madaxwayne Siilaanyo,waxaana uu xukuumadda ku eedeeyey inay xidhiidh la leeyihiin dawlada Somaliya.

Sidoo kalena waxa uu ka hadlay heshiiyada dekeda Berbera iyo Saldhiga Milateri ee Berbera laga siiyey dawlada Imaaraadka Carabta,sidoo kalena waxa uu ka hadlay arrimo badan oo kale.

Shacabka Somaliland ayaa uu xildhibaanku ugu baaqay inay ka gadoodaan xaaladaha dalka ka taagan.