“Waxaanu Ahayn Raggii Lahaa Axmed-Siilaanyo Ma Geyo In Rasaas Laga Dul-rido, Imikana Cirro Ma Geyo In Qori.…” Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde

0
135

Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa Xukuumadda u soo jeediyey in loo Caddaalad sameeyo Saddexda Musharrax Madaxweyne ee Xisbiyada Qaranka Somaliland.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde wuxuu ku gar-naqsaday in Xilligii uu KULMIYE Mucaaradka ahaa marka ay Xukuumaddu ku xad-gudubto uu ka mid ahaa Ashkhaastii Muxaafidka ahayd ee ka dhiidhiyi jiray, sidaas darteed ay nasiib-darro tahay in Xukuumadda Xisbiga KULMIYE kula kacdo Xisbiyada Mucaaradka ah wixii ay iyaga kula kici jirtay Xukuumaddii Xisbigii UDUB ee Daahir Rayaale Kaahin.

Xildhibaanka oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Xarunta Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex oo uu kaga qayb-galay Dhegaysiga Dacwad loo haysto Saddex Masuul oo ka xidhan Xisbiga WADDANI, ayaa yidhi “Markii KULMIYE Mucaaradka ahaa, Annaga oo Xisbul-xaakimkiiya (UDUB), ayaanu ka dhiidhiyi jirnay khaladka lagula kaco. Mar baa jirtay Xafiiskooda Idaacad laga baadhay, waxaan ka mid ahaa Raggii Xafiiskooda tagay ee diiday in la baadho ee la saftay, ee yidhi Xaq looguma laha ayaan ka mid ahaa. Maalintii ay Xafiiskooda ku hor-qabsadeen Xuskii SNM, markii Ciidanka la hor dhoobay waxaan ka mid ahaa Raggii yidhi xaq looguma laha in Xafiiskooda hortiisa Ciidan booliis ah la geeyo, markii Rasaasta lagu riday Axmed-Siilaanyo, waxaanu ahayn Raggii diiday ee yidhi Axmed-Siilaanyo ma geyo in Rasaas laga dul-rido.”

Mudane Jirde, waxa kale oo uu sheegay “Saddexda Musharraxba waa Madaxweyneyaal keyd ah, oo Mid soo bixi doona ma ogin, markaa Cabdiraxmaan-Cirro ma geyo in Qori Afka laga geliyo, ma geyo in loo diido inuu booqdo Dadka xidh-xidhan, Waayo? waa Madaxweynihii Mustaqbalka, Saddexda Musharraxba waxay ka dhigan yihiin Saddex Madaxweyne oo keyd ah. Markaa tii ay soo mareen ee aanu uga dhiidhinay inay iyagii Maanta ku kacaan waa Ayaan-darro, markaa waxaanu ka codsanaynaa in Xisbiyada Xormadooda la siiyo, in Saddexda Musharrax la siiyo Milgo isku mid ah, waayo? waxay mudan yihiin in Milgahooda, Nabadgalyadooda iyo Sumcaddooda la dhowro.” Ayuu yidhi.

Comments

comments