Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta Oo Shaaciyey Qorshe Lagu Nidaamminayo LAYDHKA, Beeniyeyna In Shirkad Gaar Ah Kooto Loogu Xidhayo

0
853

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaale oo Shalay hor-tagay Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada, ayaa beeniyey in Wasaaraddiisu Shirkad gaar ah Kooto ugu xidhayso Laydhka Dalka, waxaanu sheegay inay wadaan Qorshe lagu Nidaamminayo Shirkadaha Laydhka siiya Magaalooyinka Dalka.

Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale oo Guddiga Dhaqaalaha Golaha Wakiilladu ugu yeedheen inay wax ka waydiiyaan waxa ka jira Cabashooyin Shirkadaha Laydhku u gudbiyeen oo la xidhiidhay in Wasaaradda Tamartu ay Shirkad gaar ah Kooto ugu xidhayso Laydhka, ayaa markii Shirkii ay wada yeesheen dhammaaday wuxuu Warbaahinta u sheegay Wasiirka Macdanta iyo Tamartu in aanay waxba ka jirin Warka ah in Shirkad gaar ah Kooto loogu xidhayo Laydhka Dalka, laakiin ay wadaan Qorshe ay ku kala xadaynayaan Laydhka, kuna nidaamminayaa Laydhka.

Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaale oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Guddiga waxa Cabasho soo gaadhsiiyey Shirkado, Cabashadaasina waxay qaabilsanayn laba Arrimood Anigu sidaan u fahmay, mid waa in Wasaaraddu ay Shirkad ka mid ah Shirkadaha Laydhka Kooto ugu xidhayso Laydhka, iyagana (Shirkadaha Cabanaya) laga xakameeyay Fidinta Laydhka. Laakiin Xildhibaannada waanu uga warranay in aanay jirin Shirkad aanu Kooto ugu xidhnay Laydhka, Waraaqihii Caddaymaha ahaana (waanu tusnay), taasi oo ahayd Wareegto aanu Shirkadaha oo dhan u dirnay, oo aanu kula talinaynay inta aanu Sharci samaynayno aynu nidaammino Aagga Korontada oo aynu isla qaadanno Nidaam lagu shaqeeyo. Sharcigiina Wasaaraddu way curisay inkasta oo uu muddo uu soo jiitamayey, golaha wasiiradana wuu ka soo gudbay, imikana wuxuu horyaallaa xeer-dejinta, iyaguna iisha Allaahu way gudo gali-doonan, shircigaasi ayaa noqon doonaa nidaamiyaha shirakadaha.”

Wasiir Xuseen waxa kale oo uu soo bandhigay qorshaha ay wadaan ee Shirkadaha Laydhka qaarkood si kale u fahmeen, “Haddaanu nahay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Masuuliyad baa naga saaran Dalka, maaddaama oo aanu nahay Wasaaraddii waxan qaabilsanayn inaanu samayno Kala-xadeyn ku meel-gaadh ah, kala-xadeyntaasina Cidna garabka saari mayso, Cidna kama soo hor-jeeddo, ee waxaanu ku hagaynaa Nidaamkii Adduunku uga Ganacsanayey Laydhka, ee maaha Shirkad-baa Kooto loogu xidhayaa, Shirkadaha kalena waa la dabrayaa.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Sannadkii intaas oo Guri baa Gubta, intaas oo Qof baa ku dhinta, Intaas oo Qofna way ku dhaawacmaan Laydh awgeed, Waayo? Nidaamkii Laydhka ayaa aad iyo aad inooga khariban. Laydhka aad iyo aad baa loo maareeyaa oo Dawladdu u dul-joogtaa, oo Laydhku kuma galo Jaantaa Rogan iyo Batalaqsi. Caasimaddeenna waad aragtaan, Caasimad dhisan oo Waayirrada Laydhkeedu sidaa yihiin ma jirto, markaa haddaynu rabno  inay Caasimaddeennu sidaa u ekaato waa Jaantaa Rogane inoo wada, haddiise Nidaam la doonayo yaan la diidin marka la is-yidhaahdo Nidaam dejiya, oo yaan laga Ashkatoonin. Wareegtadan ay Wasaaraddu soo saartay (ee Shirkadaha qaar ka cawdeen) maaha Laydh guri cusub la galinayo, laakiin waxa laga hadlayaa waa mashruuc cusub oo ah in Shirkaduhu koronto xoog badan magaalada soo geliyaan, isla-markana la daraasadeeyo oo la ilaaliyo bed-qabka, maxay saameyn ku yeelanaysaa macaamiisha, maxay saameyn ku yeelanaysaa dhinaca qiimaha laydhka, shirkadahan xadhkahoodu hoos u yaallaan maxay sameyn isku sameynayaan, nidaamka ay ku shaqeyaan maaha nidaam waafaqsan Sharciga, markaa Niman khubaro ah oo Wasaaradda jooga ayaanu doonaynaa in ay deraaseeyaan, marka haddii mashruucii cusub-baa dalka anfacayo innagaa u baahan. “Anaga Wasaarad ahaan Cidna saami kuma lihin, ee Annagu waxaanu doonayanaa in shacabku helaan Laydh jaban oo bed-qabkiisa la hubiyey, oo aan guriga kugu gubin, dadkana wax yeelin.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in Qorshaha ay wadaan ee lagu nidaamminayo Laydhka iyo Cabashooyinka ka soo noqdayba baadhitaankooda uu Madaxweynuhu u saaray Guddi Wasiirro ah oo soo baadha, “Madaxweynuhuna Arrintaa wuxuu u soo saaray Guddi Wasiirro oo baadhitaankeeda ku jira..”ayuu yidhi.