Madaxweyne Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay kana qeybgalay salaada Janaasada meydka wasiir Cabbaas

0
1042

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo deg deg ah ugu soo laabtay dalka kaddib safar maalintii shalay uu ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isaga oo ka qeybgallay salaada Janaasada iyo aaska wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska dowladda federaalka Cabbaas Siraaji oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya, guddoomiyaha baarlamaanka, ra’iisal wasaaraha xukuumada iyo madaxda kale ee dowladda ayaa si wada jir ah uga qeyb-gallay salaada Janaasada marxuumka oo lagu tukaday masjid ku yaala xarunta madaxtooyada.

Ilaa iyo hadda ma jirto faah faahin dheeraad ah oo la xiriirta sida uu u dhacay dilka wasiirka marka laga soo tago in ciidamo ka tirsan dowladda rasaas ku fureen gaarigii uu la socday kuwaa oo la sheegay in hadda ku jiraan gacanta laamaha amniga.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay in wasiir Cabbaas uu ahaa xubin firfircoon oo ka tirsanaa gollaha wasiirada islamarkaana inta badan tallooyin wax ku ool ah soo jeedin jiray.