Suldaanka Guud Ee Salaadiinta Somaliland Oo Baaq U Diray Saddexda Xisbi Qaran

0
1063

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa Xisbiyada Qaranka ugu baaqay inay joojiyaan khilaafka iyo muranka ay warbaahinta isku marinayaan, waxaanu kula taliyey inay ixtiraaman dadkooda ay dhibaatada abaartu haysato, ee ay codka ka doonayaan.

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sharci daro ku tilmaamay in cid gaar ah loo xidho suuqa xorta ah, xilli khilaaf u dhexeeyo Wasiirka Macdanta iyo qaar ka mid ah Shirkadaha Korontada, waxa kale oo uu soo dhaweeyey munaasibada xuska 18-may ee uu Madaxweynuhu u baajiyey abaarta jirta darteed, waxaanu ugu horeyn isagoo ka hadlay khilaafka Xisbiyada uu yidhi

“Axsaabta, waxa looga baahan yahay inay la yimaadan Siyaasad bilaa turxaan ah, waxa looga baahan yahay inay ka qayb qaataan gurmadka iyo taakulaynta dadkooda abaarta adagi hayso, ee xoolihii ka dhammaadeen, oo dhibaatada dadkooda haysata ha kala qayb qaatan, ilayn iyaga ayey cod ka rabaane, balse loogama baahna inay is ku dulqabsadaan, oo khilaaf iyo muran ku dhexmaro.

Suldaanka guud mar uu ka hadlaayey kootada iyo in cid gaar ah ganacsiga xorta ah loo xidho ayaa yidhi

“In la ixtiraamo ganacsiga xorta ah weeye, Shirkadaha Laydhku,waa xor ee in iyana la ixtiraamo, oo ganacsigooda in lagu tixgeliyo weeye, qof walba oo ganacsi dalka ka wadaana, ganacsiga uu doono ha ka wadee, waxtar buu dalka u yahay, ee suuqooda yaan cid gaar ah loo xidhin, haddii kale dhib mooye dheef ma yeelanayso, oo kootorabaanka ayaa inagu badanaya”.

Suldaanka Guud ee Somaliland mar uu ka hadlaayey Xuska 18-may ee uu Madaxweynuhu baajiyey ayaa yidhi

“Arin wanaagsan baan u arkaa, in abaaraha jirta dartood loo baajiyey xuskii 18-may, oo dadka ay abaaruhu hayaan loogu gurmanayo kharashkii ku bixi lahaa xuska, waan ku hambaliyeynayaa Madaxweynaha”

 

Suldaanka Guud mar uu ka hadlaayey sicir bararka ayaa wuxuu yidhi “Qolada ganacsatada waxaan leeyahay wakhti adag baa lagu jiraa ee maceeshada dadka u jabiya, oo dadkiina u dabaca, oo raashinka, maceeshada iyo wax walba ka jabiya”