Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Oo Maanta Safar Ku Tagaya Itoobiya.

0
681

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagi doona magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, waxaana lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha Itoobiya Mulato Tshome iyo Ra’iisul Wasaare Hailemariam.

Booqashada Madaxweynaha oo socon doona 3-4 bishan oo ah booqasho qaran, ayaa waxaa uu 5-ta bishan marti u yahay Midowga Afrika, isagoo booqan doona Xarunta Midowga Afrika.

Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowladda Itoobiya ayaa ka wada hadli doona xiriirka labada dal, dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo arrimo kale.

Farmaajo ayaa inta uu joogo Addis Ababa booqan doona xarumo kala duwan, sida kaabayaasha dhaqaalaha dowladda Itoobiya.

Itoobiya ayaa sanadihii u dambeeyay galaan-gal xooggan ku laheyd arrimaha Soomaaliya, iyadoo kumanaan askari ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo qeyb ka ah howl galka AMISOM.

Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa lagu wadaa inuu bog cusub u furo xiriirka labada dal, kaddib markii uu hoos u dhacay xiriirka labada dal, doorashadii Farmaajo.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo maanta ku tagayo Addis Ababa ayaa noqoneysa tii u horeysay ee uu ku tago Itoobiya, isagoo ah Madaxweyne, sidoo kale waa safarkii 6aad ee uu dalka uga ambabaxo, tan iyo markii xilka Madaxweynaha loo doortay horaantii bishan.