Xisbiga KULMIYE Oo Magacaabay Guddiga Fulinta Xisbiga Ee Gobalka Awdal

0
1066

Guddoomiyaha iyo murashaxa madaxweyne ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa magacaabay guddiga fulinta ee xisbiga ee gobalka Awdal.

Qoraal ka soo baxay KULMIYE oo uu Muuse Biixi saxeexay ayaa lagu yidhi sidan “Kadib markii aan arkay muhiimadda dhismaha Guddida Fulinta Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE u leeyahay hawlaha iyo habsami-u-socodka abaabulka xisbiga, waxa maanta [shalay] oo ay bishu tahay April 15th, 2017 loo magacaabay xubnaha hoos ku qoran in ay noqdaan Guddida Fulinta Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.

1. Cabdiqaadir Daahir Ojor – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.

2. Axmed Maxamed Cilmi – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.

3. Maxamed Sh. Muuse Cumar – In maanta laga bilaabo uu ahaado Xoghayaha Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.

4. Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdi – In maanta laga bilaabo uu ahaado Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.

5. Sahra Aw Cilmi Maxamuud – In maanta laga bilaabo ay ahaato  Guddoomiyaha Garabka Haweenka Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.

6. Deeqa Faarax Cadaawe – In maanta laga bilaabo ay ahaato Guddoomiye Ku Xigeenka Garabka Haweenka Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.

7. Safiya Cabdi Nuur – In maanta laga bilaabo ay ahaato Afhayeenka Garabka Haweenka Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.

8. Yuusuf Nuur Muuse – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Xidhiidhka  Komishanka Doorashooyinka Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.

9. Cumar Muuse Qalinle – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Xidhiidhka Gobolka iyo Degmooyinka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Awdal.

10. Maxamed Aadan Suldaan – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Xidhiidhka Saxaafadda iyo Warbaahinta Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.

11. Maxamed Siciid Aadam – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Arrimaha Bulshada Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.

12. Cabdirisaaq Axmed Ibraahim (Doob) – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Siyaasada iyo Nabadgalyada Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.

13. Axmed Xasan Aadan – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Abaabulka iyo Wacyigalinta Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.

14. Cabdiraxmaan Muxumed Rooble – In maanta laga bilaabo uu ahaado Madaxa Dhaqaalaha Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.

15. Cabdisalaan Dayib Cilmi – In maanta laga bilaabo uu ahaado Ku Xigeenka Madaxa Arrimaha Bulshada Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.

16. Axmed Xuseen Samaale – In maanta laga bilaabo uu ahaado Ku Xigeenka Madaxa Xidhiidhka Gobolka iyo Degmooyinka xisbiga KULMIYE ee Gobolka Awdal .

17. Cabdiqaadir Faarax Xasan – In maanta laga bilaabo uu ahaado Ku Xigeenka Madaxa Xidhiidhka Komishanka Doorashooyinka Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE.

Waxa aan u rajaynayaa masuuliyiinta magacyadoodu kor ku xusan yihiin in Alle ku asturo, kuna guuleeyo gudashada masuuliyadda ka dhalanaysa xilalkooda heer Gobol ee xisbiga KULMIYE.