Xildhibaan Maxamed Cali “Waan ka Xumahay 12 Sanno Inaanu Kuraaasida ku Fadhinaa”

0
1520

Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ganafka ku dhuftay muddo kordhintii Golaha Guurtiddu u sameeyeen Wakiillada, waxaanu ku hanjabay inuu iska casili doono xubinimada aqalka Wakiillada isagoo inuu ka xun yahay inay 12 sannadood iska fadhiyaan kuraasida.

Xildhibaanku waxa kaloo uu soo dhaweeyay muddo kordhinta Guurtidu u samaysay madaxweynaha, madaxweyne ku-xigeenka iyo Golayaasha degaanka dalka. Maxamed Cali Xirsi waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa.

Xildhibaan Maxamed Cali, waxa uu xusay in aqalka odayaashu ay soo saareen qaraar waafaqsan heshiiskii xisbiyadda iyo Komishanka doorashooyinka; “Golaha Guurtidu isagaa xaq u leh in uu go’aamiyo maalinta ay doorashooyinku dhacayaan, waxaanay astayeen Guurtidu maalinta ay qabsoomayso doorashada madaxtooyadu, waxaanan ku hambalyaynayaa go’aankaa geesinimada leh ee ay qaateen iyagoo eegay danaha qaranka oo sidii caaddada ahaan jirtay Golaha Guurtidu aanay kordhin sannad iyo laba sanno. laakiin markii ay eegeen duruufaha jira ayay qaateen wixii xisbiyadu ku heshiiyeen ee ahaa maalinta doorashada madaxtooyadda la qabanayo,”ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Cali.

Mudane waxa uu tilmaamay in aanu sii jeclaysanayn in ay kuraasida iska sii fadhiyaan, isla markaana uu ka xun yahay in muddo kordhin loo sameeyo Golahooda, waxaannu yidhi; “Doorashadda Golaha Wakiillada in ay qabsoomi waydo aad iyo aad ayaan uga xumahay., ka xildhibaan ahaan in doorashada Wakiilladu dib u dhac ku yimaado. Waxaynu nahay dal yar oo curdinna oo dimuqraadiyadu hagayso, labo iyo toban sanno ayaanu kuraaasida ku fadhinaa, astaan xun ayaanay innagu noqon doontaa, hadday ictiraaf raadin noqoto iyo hadday noqoto xidhiidhka aynu la leenahay beesha caalamkaba.
Nagumana qurux badna in aanu qaranka hortaagnaano iyadoo lanoo tirinayo wax faro badan oo qaldamay in aanu sabab u nahay.”

“Annagoo ah xildhibaanno faro badan go’aamo ayaanu ka soo saari doonaa, sidii aanu isku casili lahayn oo aanu shacabka tusno in aanaan ahayn dad kuraasida iska jecel oo iska fadhiya. Golaha Wakiillada waa in uu isbedal dhab ah sameeyo, haddii ay noqoto mid shirguddoon iyo mid xildhibaannada ahba.haday noqoto meelaha qaranku ka daciifay ayuu ka mid yahay golahan, madaxweynaha mustaqbalka imanaya ayaanay u taallaa waxa laga yeelayo goleyaasha,”ayuu ku dooday Xildhibaan Maxamed Cali.

Waxa kaloo uu u soo jeediyay Komishanka doorashooyinka qaranka in ay u diyaar garoobaan sidii ay u qaban lahaayeen doorasho xor iyo xalaal ah; “Komishanka doorashooyinka, waxaan u soo jeedinayaa in ay u diyaar garoobaan sidii ay dalka uga qaban lahaayeen doorasho xor iyo xalaal ah, oo aanay doorashadaasi dib u dhicin oo aanay marmarsiyo danbe aanay la iman haddii ay abaaro noqoto oo ay sii jirto, waa arrin aad u culus oo komishanka dooorashooyinka ciddina ka yeeli mayso xisbi yidhaahda dib ha noolugu dhigo doorashada madaxtooyadda. Annagu haddii aanu nahay xisbi xaakimka diyaar aya anu u nahay in doorashada madaxtooyadu qabsoonto, dalkuna waxa uu u baahan yahay isbedal siyaaseed.

Qabashada doorashada madaxtooyadda, waxaan filayaa inay faa’iido badan dalka u soo jiidi doonto. isbedal ayaa Soomaaliya ka dhacay, waxyaabahaas oo dhan waxay u baahan tahay in aanay doorashada madaxtooyada dib u dhaca ku iman. Markii horena dib u dhaca doorashadda madaxtooyaddu waxa uu ka yimid xisbiyadda mucaaradka ah. xisbiyadduna waa in ay u diyaargaroobaan doorashadda Madaxtooyadda oo xor iyo xalaal ah iyo olole qiimo leh oo ku salaysan waxqabad ay ummada soo hordhigaan oo aan lahayn xanaf iyo qabyaalad,”ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xidhibaanku waxa uu shacabka reer Somaliland ugu baaqay in wax ku doortaan oo ay codkooda ku bixiyaan aqoonta ay u leeyihiin murrashaxiinta tartamaysa, waxaanu yidhi, “Shacabka waxaan leeyahay waa inay wax ku doortaan aqoonta ay u leeyihiin murrashaxiinta waxa ay soo hordhigi doonaan waa in ay qiimeeyaan. qaranka yaa u soo shaqeeyay, yaana ka bixi kara hawshaa culus iyo waxqabadka ay la iman doonaan oo ay kow ka noqon doonto iyo misaaniyadda yaa kordhinaya, waddooyinka yaa dhisaya, heshiisyadda caalamiga ah ee la saxeexay yaa sii wadaya, qodobbada noocaas ah weeye in ay wax doortaan ee aanay indho la’aan wax ku dooran.”
Xildhibaan Maxamed Cali oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi, “Golayaasha degaannada dalku waxay maamulaan lacag dhan soddon milyan oo doolar. wax badan oo dhaliilo ah oo xukuumadda lagu dhaliilo iyagaa leh, waana gole looga baahan yahay in uu wax badan fuliyo oo uu magaalooyinka kordhiyo bilicdooda, waana in ay wax ka bedalaan shaqadooda muddadaa loo kordhiyay.”