WADDANI oo Qirtay Abaabulka Mudaharaad Lagu Waxyeelaynayo Madax-bannaanida Somaliland

0
997

Xisbiga mucaaridka ee WADDANI, ayaa qirtay inuu ka dambeeyo isla markaana kaalin ku leeyahay mudaharaadka Soomaaliya fikirikiisa lahayd ee laga iclaamiyay Ingiriiska laga dhigo maanta oo Khamiis ah, kaas oo lagaga soo horjeedo heshiiska saldhigga Millatari ee ay wada galeen Somaliland iyo Imaaraadka carabtu.

Xisbiga WADDANI waxay mudaharaadkan masaalixda dhaqaale iyo siyaasaddeed ee Jamhuuriyadda Somaliland lagu waxyeelaynayo ku tilmaamay kacdoon shacab iyo dareen ay xisbi ahaan qabeen oo ka bilaabmay wadanka dibadiisa.

Xoghayaha Caddaaladda WADDANI, Barkhad Jaamac Xirsi, ayaa shalay ka hadlay mudaharaadkan ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan, waxaanu ku tiraabay, “Mudaharaadka London waa dareen shacab oo dadka reer Somaliland ka siman yihiin. Waana dareen aanu xisbi ahaan qabno in ummadu ka mudaharaado hantidooda la iibiyay. Waxaan leeyahay Wasiir Caddaani kacdoon shacab ayaa ka bilaabmay dalka dibadiisa, gudaha dalkana wuu ka bilaabmayaa.”
Mudaharaadkan ayaa ilo xog ogaal ahi soo weriyeen inay u suurtogal tahay inuu fashilmo ka dib markii dadka reer Somaliland u arkeen mid dano gaar ah oo fog laga leeyahay isla markaana lagu dhaawacayo qaranimada wadanka ee qiimaha adag ku fadhida.

Sidoo kale, masuuliyiinta xisbiyada Ingiriiska, ayaa Salaasadii kulan ay ku yeesheen London, waxay taageereyaashooda iyo shacbiga Somaliland uga digeen inaan laga qaybgalin mudaharaadkii ay hore ugu dhawaaqeen xubno ka soo jeeda xisbiga WADDANI oo garabsanayay dad ay ugu yeedheen cadowga Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland, Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa, waxa uu shacbiga reer Somaliland ee ku dhaqan Ingiriiska, ugu baaqay inay fashiliyaan bannaan-baxa loo soo waariday ee dadkii gudaha wadanka joogayna hore u qaadaceen maalintii Goleyaasha laga ansixinayay heshiiskan oo xisbiga WADDANI ugu baaqay dadweynaha inay ka hor mudaharaadaan.