Wasiir Faratoon oo ka Hadlay Tallaabooyin ay Kula Tacaalayaan Sixirooleyaasha iyo Saldhiga Millatari ee UAE

0
1461

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda  Somaliland  Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon),ayaa digniin adag u diray dad ku shaqaysta sixirka  oo falal sixir iyo tuugo ah dadka ku haya, waxaanu xusay in ciidanka booliska iyo laamaha ammaanku ka hawlgalayaan isla markaana cid kasta oo lagu soo qabto falalka sixirka in ay talaabo adag ka qaadi doonaan.

Wasiirku waxa kaloo uu ka hadlay  in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in saldhigga millatari ee xukuumadda Somalilland Berbera ka siinayso dalka Imaaraadka Carabta ay  Itoobiya ay ka soo hor jeedo taasoo uu caddeeyay in ay tahay war been abuur ah oo aan sal iyo raad lahayn.

Wasiirka Arrimaha Guduhu wuxuu sidaas ku sheegay waraysi kooban oo uu siiyay wargeyska Dawan xalay, “Waxaan  uga digayaa cid kasta oo ku shaqaysata sixirka  in talaabo adag  laga qaadi doono, ciidanka booliska iyo laamaha ammaankuna way qabaan amarka ah in ay cid kasta oo falalkaa lagu tuhmo in ay talaabo ka qaadaan waxaas cidda samaynaysaana waa dad tuugo ah oo tuuganimo u adeegsanaya sixirka wax la aqbali karana maaha. waanan ka qabanaynaa umadda waana laga hawlgalay oo ciidanku imika arrimahaa baadhitaanno ayay ka wadaan,”ayuu yidhi  Wasiir Faratoon.

Wasiirka oo ka hadlayay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday Ceel-afwayn iyo waxa mar kale soo celiyay,waxaannu yidhi.

“Arrintaa soo noqoshadeedu way na damqaysaa, waxaanan odhan karaa waxa soo celiyay waa camal shaydaan iyo cid aan nabadda qaadan oo si uun wax ugu qaloocdeen. laakiin ka dawlad ahaan way naga go’an tahay in ay  nabadu hirgasho waxaana jirtay in waxyaabihii lagu heshiiyay kuwa aan fulin xaalado jira dartood  dib loogu dhigay oo loo balamay,kuwaasoo ay ka mid ahaayeen magihii oo xaaladda adag ee abaareed ay dib u dhigtay oo loo balamay marka uu roob inoo curto ee la isu yimaado in laga dhigto imika wixii dhacayna waanu ka hawlgalay odayaal iyo dad kale oo falkaa  in ay ku lug lahaayeen ku eedaysanna waa la soo xidhay ciidankiina wuu ku sugan yahay kana ogolaan  mayno in ummadda nabadeeda cidi ku ciyaarto ciidankiina  wuu joogaa .”

wasiirka oo ka hadlayay qiimihii Dollarka oo wali si kootarabaan ah loogu kala iibsado suuqyada Somaliland,ayaa yidhi. “horta markasta oo isbedel lagu dhawaaqo waxaa ka faa,iidaysta shaqsiyaad ku dhex dhuunta xilliga kala guurka laakiin Xukuumaddu way ogtahay cidkasta oo suuq madaw ku qaadata Dollarka oo ka hor timaada go’aanka Xukuuadda waxaanu u sheegaynaa in uu gacantooda ku qiimo beeli doono oo aanay dawladdu ka noqonayn in ay qiimaha shillinka Somaliland kor u qaado lana dagaalanto sicir bararka iyo kor u kaca Dollarka taana cidna looga waaban maayo.”

Wasiirka oo ka hadlayay saldhigga Millatari ee Somaliland Berbera ka siinayso dawladda Imaaraadka Carabta ayaa waxba  kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in Itoobiya ka soo horjeedo saldhiggaas. “Wararka sheegaya in Itoobiya ay ka soo horjeedo saldhigga Millatari waa  been abuur aan sal iyo raad lahayn waxasna waxaa wada cid aan dalka iyo dadka u danaynayn oo horumarkiisa neceb Itoobiya way soo dhawaynaysaa wax kasta oo Somaliland  u soo kordha oo horumar ah haddii shaki jirayna wuu dhammaaday shakigaasi oo waa laga wada hadlay.”