Somaliland oo Bilawday Hawlaha Sahaminta Shidaal Baadhista

0
1673

Agaasimaha Waaxda Shiidaalka ee Wasaaradda Tamarta iyo macdanta Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Iidaan Aadan-cadde, ayaa ka hadlay diyaarinta hawlaha sahaminta shiidaalka ee wasaaradoodu wado.

Sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal dheer oo  wacyigelin la xidhiidha oo uu fariin ugu diray shacbiga Somaliland, kagana hadlay hawlaha shiidaal baadhista, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:-

“19kii November 2016 Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta oo gudanaysa waajibaadkeedii sharci, metelaysana qaranka Soomaaliland waxay heshiis shidaal sahamin ah la saxeexday shirkadda BGP Inc, oo ah shirkad dawli ah oo laga leeyahay dalka Shiinaha.w

Heshiiskani wuxuu ku unkamay dedaal Wasaaradda Tamarta iyo Macdantu ay mudo 3 sano ah ugu jirtey sidii dib loogu soo noolayn lahaa hawlihii sahaminta shidaal ee dhicisoobey sannadkii 2013kii.

Ilaa iyo mudadii heshiiskaas la saxeexay waxaa socdey diyaargarow xaga shirkada BGP ah. Shirkadan oo ah shirkadda ugu horaysa sahminta shidaalka ee xagga beriga kana shaqaysa 44 wadan oo 19 ka mid ah ay ku yaalaan qaarada Afrika ayaa waxay qalabkii iyo gaadiidkii ay hawsha ku qaban lahayd  ka soo raraysey shan wadan oo ku daafaha aduunka ah.

Dhanka kale Wasaarada Tamarta iyo Macdanta ayaa iyana dhinaceeda ku hawlanayd doorkeedii shaqo ee hawshan, maadaama uu mashruucan shahaminta shidaalku yahay mid ay iyadu gacanta ku hayso oo masuul ka tahay.  Wasaaradu waxay mudadii ka dambeysey saxeexa heshiiska iyo weliba mudo labo bilood oo ka horeeyey oo heshiiska loogu gogol xaadhayeyba ku mashquulsanayd hawlo wacyi-gelineed oo bulshada loogu soo bandhigayey sharaxaad iyo aqoon la xidhiidha hawlaha sahaminta shidaalka.

Ololaha wacyi-gelineed ayaa isugu jira hawlo heer qaran ah oo ahaa dhanka warbaahinta iyo hawlo wacyi-gelineed oo toos ugu wajahnaa deegaanada hawlaha shidaal sahamintu ka bilaaban doonaan (community awareness). Hawlahaas wacyi-gelineed ee sida tooska ah ula xidhiidha deegaanada hawlaha sahamintu ka bilaabanayaan ayaa waxaa ka mid ahaa booqashooyin iyo kulano joogto ah oo lagu maray, ilaa haddana ka socda deegaano ka mid ah gobolada Saraar, Togdheer, Daadmadheed, Maroodijeex iyo Hawd oo ah meelaha hawlaha shidaalku ku wajahan yihiin. Waxaa sidoo kale jirtey tababaro wacyi-gelineed oo lagu qabtay Caynabo iyo Burco iyadoo kuwo kalena u qorshaysan yihiin in lagu qabto Oodweyne iyo Hargeysa.

Xaga farsamada waxaa hadda mudoba socdey dhisidii kaamka shaqada laga hagayey ee bayska ahaa oo la rajaynayo in dhowaan dhismahiisa la soo gabgabeeyo. Waxaa sidoo kale 4tii bishan Janaayo bilaabatay calaamaddintii iyo diyaarintii laymankii ay gaadiidka ay qalabka sahanku ku xidhnaayeen mari lahaayeen.  Sahankan oo ah nooca loo yaqaan seismic-ga, ahna mid ay baabuur waaweyni dhulka u dirayaan hirar gariir oo ay ka soo jawaabayaan lakabyada dhulka hoostiisa isla markaana ay jawaabtaa gariir duubayaan aaladdo dhulka oogadiisa la gelinayo ayaa lagu wadaa inuu si habsami ah u bilawdo bisha soo socota ee Feberaayo badhtamaheeda. Sahankan oo dabasocda xogtii ka soo baxday sahamadii hore ee isugu jirey kuwo dhulka ah iyo kuwo diyaaraddo sahmiyeen ayaa  ku salaysan tuhuno ay sahamadaa hore ka muujiyeen deegaanadaas, isla markaana sahanka noocaan ah ayaa ah ka lagaga salgaadho hawlaha sahanka shidaalka oo natiijadiisa wanaagsan ay noqon karto mid looga duulo qodaal la sameeyo.

Hawshan waxaa sidoo kale door muhiima ku leh Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga oo u xilsaaran hawlaha amni ee mashruucan la xidhiidha isla markaana u hawlgelisey ciidan suga amaanka kaamka iyo meelaha ay hawluhu ka socdaan.

Isku soo wada duuboo mashruucan ayaa ilaa hadda u socda si habsami ah haday noqon lahayd xag bulsho, deegaan, farsamo iyo amaanba.

Fariin

“Wasaarada Macdanta iyo Tamarta waxa ay Bulshada reer Somaliland siiba Bulshada aagagooda sahanku ka bilaabmi doono ka coddsanayaan in aan hawshan sahanka la siyaasadaynin, la reernaynin, la ishortaagin, laga ilaaliyo wixii hakin iyo caqabad ku noqon kara hirgalinta sahankan.

Waxay kaloo wasaaradu ka codsanaysaa bulshada in ay taageerto hawshan sahanka oo mudo aynu sugeynay hir galinteeda tacab badanina inagaga baxay, in la saacido hawl wadayaasha loona fududeeyo sahamintan ka bilaabmi doonta deegaaamada).”