Ma Ogtahay 10-ka Qodob ee ay Idaacadda BBC-du kaga soo hojeeo Jiritaanka Somaliland ee ay ku Kacday

0
2948

“Waxa kugu Adkaanaya Inaad kala Saarto Warbaahinta Muqdisho iyo BBC-da oo aad Moodo mid Laga wada Maamulo Xamar” Wasiir Caddaani.

Wasiirka Wasaaradda  Warfaafinta iyo Wacyigelinta  Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Afhayeenka Xukuumadda, Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa shaaca ka qaaday in laanta afsoomaaliga ee BBC-du ay ka  baydhay  wararkii xaqiiqada ku dhisnaa ee lagu  yaqaanay.

Waxa kale oo uu sheegay in idaacadaas aad moodo in Xamar laga xukumo. Waxaanu xusay  inay qoraalo hore oo ay u direen aanay wax jawaab ah ka bixin, isla markaana ay ku foogan tahay dagaal ka dhan ah qaranimada Somaliland muddada ay hawada ku jirto.

Wasiir Caddaani waxa uu sidaasi ka sheegay  shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa magaaladda Hargeysa, waxa kaloo uu intaas ku daray  in suxufiyiinta qaldama aan Somaliland lagu toogan jidadka ee la mariyo dariiqa sharciga ah iyadoo loo raacayo xeerka Saxaafadda.

War-saxaafadeedka uu Wasiirku ka akhriyay shirkiisa jaraa’id oo dhammaystirani wuxuu u qornaa sidan:-

“Maanta oo taariikhdu tahay 21st February 2017 waxa aan iskugu kiin yeedhay shirkaygan jaraa’id in aan kaga hadlo BBC-da oo dhex dhexaadnimadii &  wararkii xaqiiqda ku dhisnaa ee lagu yaqaanay ka baydhay oo u leexatay in ay noqoto mid dhinac ka raran iyo inay warar aan jirin oo dacaayad  ah ka faafiyaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa  kale oo aan inyar ka taabanayaa xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee ka dhaxeeyey boqortooyada Ingiriiska iyo  BBC-daba, iyada oo dadka reer  Somaliland ahaayeen kuwii Soomaalida kale ku soo xidhey ee baray dhagaysiga BBC-da.

La soo noqoshadii madax bannaanida Somaliland waxa aan filaynay in BBC-du door fiican ka ciyaari doonto qadiyadda jiritaanka qaranimada  JSL, hase yeeshee, waxa ay bilowday BBC-du inay dagaal badheedh ah oo lid ku ah jiritaankayaga ku fooganaato muddada ay hawada ku  jirto.

Waxa ay buunbuuniyaan dhacdooyinka yaryar ee aan xikdido dheer lahayn ee gudaha Somaliland, iyaga oo sidoo kalena, daaha saara wixii  horumar iyo  waxqabad ah ee wanaagsan. Waxa ay had iyo jeer qaban qaabiyaan oo ay soo xushaan inta caanka ku ah nacaybka qaddiyada Jamhuuriyadda Somaliland & arrin kasta oo ay ku kala aragti duwan yihiin siyaaasiyiinta Somaliland oo ah qayb ka mid ah tiirarka  dimoqraadiyadda.

Arrimaha waxa ka mid ah oo ugu danbeeyey heshiiskii ay wada galeen dawladda Imaaraat ka Carabta & Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan shirkadda DP World ee dib loogu casriyeynayey Dekedda Berbera & heshiis hada ee saldhigga madaarka Berbera ee ay ansixiyeen 144-ka Xildhibaan oo ay BBC-du si khaldan uga turjumeen masiirka umadda  Jamhuuriyadda Somaliland si ay u marin habaabiyaan ra’yul caamka.

Sidoo kale, iyaga oo aan miisaamin aragtiyaha lagu kala duwan yahay oo aqlabiyada wanaagsani dhinac tahay.

  1. Doodaha siyaasiga ah ee BBC-du, waa kuwa ka fog xaqsoor, waayo mar kastoo ay qabanayaan dood waxa ay makarafoonka soo fadhiisiyaan  3 qof oo Soomaaliya ah & qof Somaliland taasi oo aan ahayn wax isku dheelitiran.
  2. Waxa ay taa waliba ku sii ladhaan dad ay sii diyaariyeen oo kala soo xidhiidha baraha bulshadda, kuwaas oo iyana aragtidoodu dhan ka tahay qadiyadda Jamhuuriyadda
  3. BBC-du waxa Jamhuuriyadda Somaliland marar badan ka dhigtaa mid ka tirsan gobollada loogu yeedho federaalka Soomaaliya, tusaale ahaan 3dii Feburary 2017 doodii lagaga hadlayey khilaafaadka dhinaca badda ee Kenya & Soomaaliya ayey xataa ku lifaaqeen xuduudaha bada Jamhuuriyadda Somaliland, ee bal xageebay iska soo galaan.
  4. Waxa kale oo ay muran iyo doc ka wareen ku sameeyaan wariyeyaasha daadihinaya dooduhu mar kasta oo ay hadalka siiyaan hal-ka qof ee Somaliland, isaga oo aan wax ka taaban amba gaadhin qodobkii doodiisa.
  5. Waxa kale, oo intaa u sii dheer in ay qayb ka siiyaan doodahaasi siyaasiyiin la shaqeeya ama loo tiriyo inay taabacsan yihiin xukuumadda Soomaaliya, kuwaas oo ay ugu yeedhaan aqoonyahanno dhexdhexaad ka ah arrimaha Soomaaliya &  Somaliland balse, aan ahayn ee  ku caan baxay nacaybka & lidka ay ku yihiin Jamhuuriyadda Somaliland.
  6. Sidoo kale ka qaybgalka doodaha siyaasiyga ee xidhiidhka baraha bulshada waxay ku martigeliyaan inta aragtidoodu ka dhanka tahay Somaliland.
  7. Iyadoo ay marka horeba si ka baxsan dhexdhexaadnimada ay u soo dhex dhigaan doodo hal dhinac ka raran ayey haddana waqti ka badan ka halka qof ee Jamhuuriyadda Somaliland siiyaan mid kastoo ka mid ah saddexda kale ee Soomaaliya.
  8. Runtii waxa kugu adkaanaya inaad kala saarto warbaahinta Muqdisho iyo BBC-da oo aad moodo mid laga wada maamulo Xamar.
  9. Dhammaan waxyaabahaa aan soo xusay, hore ayaanu ugu gudbinay madaxda sare ee BBC-da qeybta Afrika iyo ta laanta Afka Soomaaligaba, nasiib darrose, wax jawaaba kama hayno.
  10. Hadda, qoraal kale ayaanu u dirnaynaa BBC-da, waxayse noqonaysaa in wixii intaa ka dambeeya ay nagu waajib tahay in aanu ku xisaabtano sidii aan u difaaci lahaynb jiritaanka qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa kale, oo aan dib u eegi doonaa heshiiskii aan wada galnay BBC-da ee dhinaca baahinta.

Jamhuuriyadda Somaliland  laguma dhex toogto laamiyada suxufiyiinta qaldama, balse ka gef saxaafadeed  gala waxa la mariyaa dariiq sharci iyada oo loo raacayo xeerka saxaafadda Jamhuuriyadda Somaliland.” Waad  Mahadsan tihiin.