Cali Guray “Saleban, Lama Sheegi Karo Irbad Uu Dun U Geliyay Dalka, Xumaan Dalkaas Ka Dhacday Oo Isaga Dhaafsiisanina Taariikhda Uguma Jirto”

0
916

Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey), ayaa si adag u dhaliilay guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Md. Saleban Maxamuud Aadan oo uu ku tilmaamay fitno dalka ku dhex jirta.

Sidoo kale wuxuu Cali-gurey wixii ka khaldamay golaha baarlamaanka fadhigii u dambeeyay dusha u saaray guddoomiyaha golaha wakiilada ahna murashaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan-Cirro.

Mujaahid Cali-Gurey oo shalay saxaafadda u waramay isagoo aad u cadhaysan, wuxuu tilmaamay in dalkii Somaliland uu meel halis ah afka saaray. Isagoo ka hadlaya labada qaybood ee ay dadku ugu kala qaybsameen heshiiska saldhiga Milatari wuxuu yidhi “Qolo boqolkiiba boqol ku faraxsan oo sidaas dawladanimada iyo sharafta u arka  oo farxad cirka maraysa iyo qolo ka xun sidii ay wax u dhaceen oo u aragta in haybadii iyo karaamadii umaddan dhulka lala dhacay oo fool xumadaas ka muraygasanina way jiraan. Aniguna kuwan dambe ayaan ahay. KULMIYE iyo murashixiisana waan taageersanahay.” ayuu yidhi Cali, waxaanu isatoo wixii golaha ka dhacay dambigeeda saaraya hoggaamiyaha Waddani uu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa cidda wax khaladay iyo waxa khaldamay. Ninka koowaad ee dambiilaha ku ah arrinkaasi waa guddoomiyaha golaha wakiilada. Madashu laba inay mid noqoto ayay ahayd, inay noqoto khudbad sannadeedkii madaxweynaha oo ay labada gole kul kulmaan, inuu noqdo mashruuc sharci oo xukuumadu soo gudbisay oo la dhex keenayo oo guddoomiyaha golaha wakiiladu hoggaamiyo.

Cabdiraxmaan laftiisaa inoo sheegay oo inagu yidhi ajandeba malaha waxan la inoo soo qoray, haddaanay ajande lahayn inuu warqad ku celiyo madaxweynaha ayay ahayd.”

Isagoo si adag u dhaliilaya una weeraraya guddoomiyaha Guurtida wuxuu Cali-Gurey yidhi  “Saleban Gaal oo waslad dheeraad ah oo inagu jirta, ilaa faqashtii waa ninkii u dambeeyay, xumaanta dadkaas waxaan ahayna intuu noolaa kamuu shaqayn, habeen qudha kuma jirto taariikhda saleban gaal oo nadiif ahi, orda gurigiisa soo eega, fooqyaa loo dhisayaa, deked la cun, oo dhul la cun oo madaar la cun. Anigu xataa madaarka waan ku raacsanaa, dekedda ninkii ugu dooda badnaa ayaan ahaa bal dadkani inay wuxuun soo reebaan ama wuxuun lagu gaadhi karo, wax allaala wax lagu gaadhayaa ma jirto, ninka ku riyoonaya doorashaa dhici ma jirto, Saleban gaalna aqalkii ayaa dhammaanaya, xoogaa ayuu qabyoobi doonaa, haddana waa loo dhiibi oo sidii ayuu odhanayaa.”

Ugu dambayn isagoo sii hadlaya wuxuu yidhi “Saleban, lama sheegi karo irbad uu dun u geliyay dalka ma jirto, xumaan dalkaas ka dhacday oo isaga dhaafsiisanina oo uu ka madhanyahayna taariikhda uguma jirto.”