Majaro-habaabinta Cirro Iyo Waafaqsanaanta Dastuurka Somaliland ee Ansixinta Saldhiga Millatari

0
1298

Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Md. Cabdiraxmaan M. Cabdillahi (Cirro), ayaa ka been-sheegay qodobadda dastuurka Somaliland ee loogu dhaariyey inuu ku dhaqmo, isla markaana sheegay hadal lagu majaro-habaabinayo, loolana jeedo in layskaga horkeeno shacabka Somaliland.

Gudoomiye Cirro ayaa ku sheegay hadal uu xalay jeediyey inaanu dastuurku ogolayn, isla markaana, Madaxweynaha JSL aanu isugu yeedhi karin fadhi labada GOLLE oo lagu ansixinayo nuxurka heshiiska Somaliland ugu ogolaanayso in saldhig Milateri dawlada Imaaraadka carabtu ku yeelato dalka, waxaanu daliil ugu soo qaatay khudbadiisii xalay:

“Dastuurku waxa uu qodobka 38aad uu ku caddeeyey farqaddiisa lixaad in waxyaabaha ay labada Gole iskugu iman karaan ay fadhi wada-jir ah ka yeelan karaan, se heshiis ay Xukuumaddu la gasho dal kale kuma jiro waxyaabahaas oo marka heshiis ay noqoto ama ansaxin waxa uu dastuurku siiyey Golaha Wakiilada sida ku qoran ee ku cad qodobka dastuurka ee 53aad, farqaddiisa saddexaad, wixii ansaxin ahna dhammaan waxa iska leh Golaha Wakiilada sida aad ka warqabtaan, haddii ay Miisaaniyad tahay iyo haddii ay tahay ba wasiiro la ansaxiyo iyo heshiisyo ba. Fadhigaas na waa keliya ee aanu ku tix-gelinay waxa weeye oo keliya in uu soo codsaday Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland in uu la kulmo labada Gole Baarlamaan ee Somaliland. Walaaleyaal fadhigani waxa uu khilaafsan yahay nidaamka ku xadidan dastuurka ay ku shaqeeyaan Goleyaashu, taasi na waxa ay innoo sheegaysaa in aanu sharcigu guur guurin ee dadku guur guuro.”.Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro

Halkana akhriste ka eeg waxa DASTUURKA SOMALILAND ka qabo fadhiyada WADAJIRKA ee LABADDA GOLLE BAARLAMAAN yeeshaan iyo waxyaalaha lagu ansixiyo, taasoo qeyb ka yahay HESHIISKA SALDHIGA MILATERI ee Maanta la ansixiyey, kaastoo SAAMAYN GOBOLEED ama CAALAMI leh…………….

QODOBKA 61AAD ee Dastuurka Somaliland

FADHIYADDA WADAJIRKA AH EE LABADA GOLE EE BAARLAMAANKA

Labada gole ee Baarlamaanku, fadhiyo wada jir ah ayey ka yeelanayaan arrimaha ay ka mid ka yihiin;

B – Dhegeysiga warbixinta madaxweynuhu ka jeediyo furitaanka labada gole midkood.

T- Marka laga doodayo ku biirida Jamhuuriyadda Somaliland urur ama huwan goboleed ama caalami ah ama ansixinta heshiisyada leh dabeecad goboleed ama caalami.

J – Go’aaminta iyo ku dhawaaqida xaaladaha dagaal marka Jamhuuriyadda Somaliland la soo gudboonaado dagaal.

X – Ka doodista dhawrsanaan ka qaadida Madaxweynaha ama Madaxweyne-ku-xigeenka.

KH- Doodaha ku saabsan Aafooyinka dabiiciga ah;

D- Doodaha la xidhiidha xeerarka degdega ah;

R- Doodda lagu ansixinayo magcaabida guddoomiyaha Maxkamada sare; iyo

Sh – Arrimaha kale ee 2da gole la haboonaada inay fadhi wada jir ah ka yeeshaan.

Akhriste, bal adigu la kaasho maskaxdaada labada qodob, kalana soo bax natiijada XUKUUMADDA iyo XISBIGA WADANNI midka sharciga ku taagan iyo ka BAAL-MARSAN!

XIGASHO: Somalilandspan